AC MILAN VS INTER MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Milano) 21 Sebt 2019 – Waxaa caawa gegada San Siro soo xaadiri doona daawato ka badan 70,000 oo qof, kuwaasoo ay 65,000 oo ka tirsan u sacbinayaan kooxda AC Milan, marka la isku fara saaro Derby della Madonnina oo laga daawan doono in ka badan 200 oo dal oo caalamka ah, iyadoo ay imanayaan 240 weriye oo caalami ah.

Dhanka Milan: Giampaolo ayaa weli kusii madax adaygaya “laacibiintii hore” isagoo aan wax fursad ah oo muuqda siinin laacibiinta cusub. Waxaa bilowgiiba safanaya Paqueta oo laga door biday Rebic oo aan xumayn kulankii Verona ee uu gadaal kasoo galay. Dhanka dadabka bidix waxaa weli ka dheelaya Rodriguez waloow uusan farsamo ku dhamayn Theo Hernandez. Khadka dhexe Biglia ayaa ka cad cad Ismail Bennacer oo laacibka garoonka qaatay kulanka qura ee uu saftay.

Dhanka Inter: Candreva ayaa soo kabtay iyadoo uu Conte doonayo inuu bilowgiiba safo daqiiqadda 1-aadba. Khadka dhexe waxaa haynaya wiilasha reer Talyaani ee Sensi iyo Barella. Weerarkuna waa Lautaro-Lukaku.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 25 REINA
  • 90 DONNARUMMA A.
  • 43 DUARTE
  • 46 GABBIA
  • 19 HERNANDEZ
  • 33 KRUNIC
  • 4 BENNACER
  • 5 BONAVENTURA
  • 18 REBIC
  • 7 CASTILLEJO
  • 11 BORINI
  • 17 LEAO
  • 27 PADELLI
  • 13 RANOCCHIA
  • 21 DIMARCO
  • 87 CANDREVA
  • 34 BIRAGHI
  • 95 BASTONI
  • 5 GAGLIARDINI
  • 8 VECINO
  • 19 LAZARO
  • 20 BORJA VALERO
  • 7 SANCHEZ
  • 16 POLITANO
AAN LA HELI KARIN

  • Caldara
  • Cidna
GANAAXAN

  • Calabria (1)
  • Cidna

Hadalsame Media