SAWIRRO: Arag ciidamada loo diyaariyay ilaalinta xeebaha Somalia

0

(Muqdisho) 20 Sebt 2019 – Waxaa shalay qornay inay DF Somalia diyaarinayso Ciidan Boliis oo Awood u leh illaalinta ee Xeebaha dalka, si ay u suuragasho ka hortagga Tahriibka, isku socodka kooxaha Argagaxisadda iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa barnaamijkan wadda Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana kulan looga hadlayo ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta illaalinta Xeebaha dalka.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa qaar ka mid ah sawirrada ciidamadaasi, waloow ay weli ka fog yihiin ciidan awood u leh inay ilaaliyaan xeebaha dalka misna waa tillaabo loo qaaday dhanka wanaagsan oo u baahan in lasii tayeeyo lana kordhiyo tiradooda iyo agabkooda.

Hadalsame Media