Magaalo dadka telefoonnada jidka ku isticmaalaya u sameeysay WADDO gaar ah + Sawirro

0

(Manchester) 20 Sebt 2019 – Waxaa maalmahan dhib noqotay in lakala fogeeyo qofka iyo telefoonkiisa, waayo waxaa gacantaada yar ku dhan wixii dunida xog yaalley, haba ku darin wixii asxaab, xidid iyo xigaalo ahaa oo wada dhex taagan.

Dad badan ayaa sidaa ugu koollaysan telefoonkooda, iyadoo daraasad iminka la sameeyay ay 75% dadka British-ku qirteen inay telka adeegsadaan marka ay jidka socdaan.

Daraasadda ayay 38% dadku u sheegeen inay qof ku dhacaan marka ay jidka marayaan iyagoo telefoonka ku hundhura, taasoo keenta raalli gelin yax yax miiran ah, halka dadka lagu dhoco laftoodu ay sheegeen in 27% dadka ku dhacaa aanay raalli gelin xitaa bixinin.

Haatan ayay u muuqataa in taa xal loo helayo iyadoo UK laga sameeyay dhabbihii ugu horreeyay oo loo bixiyay ‘dariiqa gaabiska’ waxaana jid noocaas ah midkii ugu horreeyay laga sameeyay magaalada Manchester.

Richard Baxendale, oo ah Maareeya AO-Mobile, ayaa yiri: “Waa in aannu waaqici iyo mas’uul noqonaa marka ay timaado sida ay bulshadu isu bedeleeyso.”

Hadalsame Media