QM oo Somalia ka hirgelinaysa barnaamij ay aad ugu baahan tahay!

0

(Muqdisho) 19 Sebt 2019 – Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ballan qaaday inuu hay’aadka caafimaad ee Somalia kala shaqayn doono sidii loo xoojin lahaa kaabayaasha asaasiga ah ee caafimaadka Somalia, si sare loogu qaado kartida aqooneed ee howlwadeennada caafimaadka dalka.

Ahmed Al-Mandhari, oo ah Maareeye Goboleedka WHO ugu qaybsan Bariga Badda Dhexe oo booqashadii ugu horreeysey ku tegey Somalia, ayaa wuxuu hoosta ka xarriiqay in ay WHO diiradda saari doonto caafimaadka dhimirka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka iyo koontoroolka cudurrada faafa iyo kuwa aan faafinba.

“Waxaan aad ugu boorrinayaa deeq bixiyayaasha muhiimadda ay leedahay in la maalgeliyo mustaqbalka Somalia iyadoo loo marayo fayaqabka dadka Soomaaliyeeed,” ayuu yiri Al-Mandhari oo hadlayay kaddib booqashadiisa.

Al-Mandhari ayaa sidoo kale sheegay inay Somalia ka hirgelinayaan qorshaha loo yaqaanno daboolka baahida caafimaad ee caalamiga ah (UHC), taasoo looga gol leeyahay in la kordhiyo galaangalka ay dadku u yeelan karaan inay helaan adeeg caafimaad oo jaban ama bilaash ah, gaar ahaan fuqarada ku nool meelaha aadka u fog.

Through its UHC roadmap, WHO said Somalia aims to increase the number of people who have access to health services, especially the poorest and those living in hard-to-reach areas so that no Somali is left behind.

WHO ayaa sheegtay in Somalia ay tahay dal hodon ah dal iyo dadba leh, balse loo baahan yahay in si looga faa’iidaysto khayraadka dalka laga fikiro caafimaadka dadka oo asaas u ah horumarka dalka.

“5-tii sanadood ee tegey, dalku wuxuu horumar ka sameeyay dhanka la dagaallanka cudurrada dabaysha, xiiq dheerta iyo daacuunka, iyadoo aad loo dhimay haweenka umul raacda,” ayuu yiri Al-Mandhari.

Somalia oo soo liqday 30 sano oo dagaal sokeeye oo micne darro ah ayaa waxaa ku burburay waxaa ka mid ah kaabayaashii dalka, taasoo ay la socdaan musiibooyin dabiici ah sida daadad iyo abaaro, kuwaasoo wiiqay caafimaadka bulshada.

Hadalsame Media