Qisadii boqorkii TAQIGA raadinayay ee gabadhiisa TUUGGA u guuriyay! (Sheeko micne xambaarsan)

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2019 – Nin Boqor ah ayaa habeen habeenada kamid ah waxa uu u yeeray mas’uul ka tirsan wasiiradiisa isaga oo ka dalbaday inuu aado masjidka si uu u soo raadiyo qof wanaagsan oo dhallinyaro ah, salaadda dukado, Alle ku xiran oo taqqi ah, xaal ay ujeeddadiisu tahay haddii uu helo shaqsi leh siffooyinkaas inuu u guurinayo gabadhiisa uuna u caleemo saarayo inuu noqon doono Boqorka mustaqbalka dhaw la wareega mansabkiisa marka uu geeriyoodo.

Habeenkaan uu wasiirka masjidka aadi doono waxaa isla habeenkaas oo qurra masjidka u soo tuugaysi doontay nin tuug ah oo go’aankiisu yahay inuu xado kabaha dadka dukanaayo marka ay isku taagaan gudashada salaadda.

Rag baa wada kulmi doono oo midkiiba u jeeddo gooni ah leeyahaye, ninkii wasiirka ahaa iyo ciidankiisa waxa ay gaareen masjidka laakiin nasiib darro albaabka masjidka oo xiran ayay arkeen, dhanka kale isla waqtigaan uu iridka xiran yahay waxaa gudaha masjidka ku jiro ninkii tuuga ahaa oo ka dhacay saqafka sare kadibna gudaha u gelay masjidka si uu u soo aruursado wax kasto oo masaajidka looga tegay.

Tuugii oo gaaf wareegayo masjidka dhexdiisa ayaa albaabkii weynaa ee masjidka la soo furay, waxaa gudaha soo gelay dhamaan dadkii salaadda u yimid, wasiirkii iyo ilaaladiisa oo wada socdo, cajiib ninkii tuuga ahaa ee gudaha ku jiray waaga ayaa ku beryay, in kastoo nin caqli badan uu ahaa waxa uu hindisay inuu salaad u istaago si uu ugu muuqdo qof suuban oo salaad dukanaayo.

Tuugii salaadda ayuu ku dheeraaday si aan loo qabanin, waxaa meel u dhaw taagan wasiirka iyo ciidankiisa oo la dhacay sida uu salaadda ugu qushuucay, muddo badan ayay sugeen inuu salaadda ka baxo si ay u helaan fursad ay kula hadlaan laakiin waa ay suurta geli waysay, waxa uuna wasiirkii ku amray ciidankiisa in ay qabtaan inta uusan billaabin rakco cusub taasi oo loogu guulaystay.

Ninkii Tuuga ahaa waxaa loo soo waday gurigii Boqorka, markii ay gurigii gaareen Boqorkii ayaa loo sheegay in ninkaan uu keligiis masjidka joogay isaga oo waqtigaas cibaadeeysanayo kuna dheeraaday salaadda oo xittaa ay nagu adkaatay inuu ka faaruqo si aan hadal ula wadaagno.

Boqorka oo ku qancay farriinta loo soo gudbiyay ayaa si bogaadin leh ku yiri – waxaad tahay qofka aan raadinaayay, cabsidaada, iyo iimaanka kaa muuqdo dartiis waxaan kuu guurinayaa gabadha aan dhalay, waxaan ku siinayaa hantida aan leeyahay oo dhan, waxaadna noqonaysaa Boqorka dhaxli doono mansabkayga marka aan dhinto.

Tuugii oo cabsi iyo xishood aawgeed madaxa hoos u raaricinaayo ayaa naftiisa kula khidaabay – Ilaahayoow waxaad iga dhigtay Boqor, waxaadna ii guurisay gabadha Boqorka oo aan ku mutaystay hal salaad oo aan si cariiri ah ku dukaday ee Rabbiyoow sidee ayay noqon laheyd haddiyadda aad i siiso haddaan ahaan lahaa muumin dhab ah oo si wanaagsan kuu caabudo.

Qalinkii: Abdiqani Gaarane Barre (Dufle)

Hadalsame Media