DHEGEYSO: Dhibaatada aan ka hari doonin ee ay DHIIG yarida haweenayda XAAMILADA ihi u gaysato ubadka caloosha ku jira (Daraasad)

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2019 – Daraasad lagu sammeeyay Sweden ayaa lagu sheegay in dhiig yari ama Aneemiya la soo gudboonaata xilliga hore ee uurka ay sababeyso halista in ubadka uurka ku jira ay ku dhacaan xaaladaha autism, ADHD iyo hoos u dhac ku yimaada korriimada xagga caqliga ama garaadka.

Renee Gardner oo ah hormuudka cilmi baaristan ayaa sheegtay in dhiig yari ku dhacda hooyada uurka leh ka hor toddobaadka 31 ay horseedayso halis aad u badan oo ah in ubadku uu noqdo mid wajaha curyaanimo xagga kobaca cafimaadka maskaxda.

Dumar gaaraya 300 000 iyo caruurtooda oo dhashay inta u dhaxeysay sannadihii 1987-2010, ayaa qeyb ka ahaa cilmi baaristan oo uu sammeeyay machadka Karolinska Institutet.

Hooyooyinka uu yaraa dhiigooda ka hor asbuuca 31 ee xilliga xaamilada ayaa caruurta ay dhaleen 10 boqolkiiba waxaa haleelay xaaladda adhd, halka 5 boqolkiina uu haleelay autism halka 3 boqolkiina hoos u dhaca xagga garaadka ah uu ku dhacay.

Cilmi baare Renee Gardner, ayaa sheegtay in birta ama feerada ay muhiim u tahay xiriirka neerfayaasha maskaxda.

Ku dhowaad 15-20 boqolkiiba dumarka uurka leh ayaa waxaa ku dhaca dhiig yari ama dhiigooda ayaa hoos u dhaca waxaana taasi sabab u ah xadiga feerada ama birta ee dhiigooda oo hooseeya, xaaladan ayaana u badan qeybaha dambe ee xaamilnimada. Sidoo kale 1 boqolkiiba, dumarka Sweden ku nool ayaa dhiig yari waxaa laga helaa ka hor toddobaadka 31.

Cilmi baare Renee Gardner ayaan dooneen in dumarku ay qaadaan wel wel aan loo baahneen balse waxay sheegtay in ay muhiim tahay in dumarka uurka leh ay la socdaan xadiga feerada ama macdanta birta ee dhiigooda xilliga hore ee uurka gaar ahaan dumarka cuna keliya khudaarta cagaaran

– Waxaa muhiim ah in hooyada uurka leh kala hadasho umulisadeeda ama dhaqtarkeeda, ayay tiri Renee Gardner.

Cilmi baaristan ayaa lagu soo daabacay joornaalka Jama Psychiatry.

Hadalsame Media