DF Somalia oo ka hadashay xilliga ay xayiraadda duullimaadyada tooska ah ka qaadayso Kismaayo

0

(Muqdisho) 19 Sebt 2019 – DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey ka hadashay xannibaadda magaalada Kismaayo laga saaray duullimaadyadii tooska ahaa, taasoo ahayd tillaabo la qaaday kaddib doorashadii muranka dhalisay ee Jubbaland, taasoo ay dhowr nin oo uu Axmed Madoobe ku jiro sheegteen inay ku guulaysteen.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Wawada Soomaaliya, Maxamad Cabdillaahi Salaad Oomaar, oo maanta BBC-da uga warramay arinta diyaaradaha Kismaayo ee Muqdisho haatan soo mara ayaa sheegay inay tillaabadaasi u qaadeen amniga qaranka awgii.

Waxa uu intaa ku daray in mar allaale iyo markii la hubiyo in diyaaradaha tegaya Kismaayo aanay khatar ku ahayn ”amniga waddanka” ay go’aankaasi dib loola laaban doonaan.

Maamulka Jubbaland ayaa go’aankan dhowr mar oo hore cambaareeyay waxayna isla maanta soo saartay War Saxaafadeed ashtako ah, balse si kasta wuu hirgalay oo hadda dayuuradaha Kismaayo ka socda ama u socdaa waxay sii maraan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Hadalsame Media