DF Somalia oo diyaarinaysa ciidamo ilaaliya xeebaha dalka (Su’aal taagan)

0

(Muqdisho) 19 Sebt 2019 – Kullan looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis oo Awood u leh illaalinta ee Xeebaha dalka, ka hortagga Tahriibka, isku socodka kooxaha Argagaxisadda iyo kuwa ka ganacsadda waxyaabaha maanka dooriya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kullankaas waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka socotay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan laanta illaalinta Xeebaha dalka.

Isku duwaha Xafiiska Ciidanka illaalinta Xeebaha ee Wasaaradda Amniga Muntaasiya Xaaji Jimcaale ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah leedahau ilaalinta Xeebaha dalka.

Lama oga waxa hor taagan in la sameeyo ciidamadii ilaalada xeebaha ee ka tirsanaa Ciidamadii Badda Somalia oo ka mid ah hay’aadka ku burburay dagaaladda sokeeye.

Hadalsame Media

Facebook Comments