”Waxaa la doonayaa in marka hore BADDA loo xukumo Somalia, balse xeelad baa ku jirta!”

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2019 – Nin magaciisa la yiraahdo Bashiir Maxamuud oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo aad wax uga qora arimaha la xiriira badda Soomaaliyeed ee Kenya ay dooneyso in ay boobto aqoon durugsana u leh arimahan ayaa sheegay dacwda badda in la geeyo maxkamadda caalamiga ee ICJ ay fududeeysay dawlada Norway.

Uujeedku waxaa weeye in marka xariiqda loo xukumo sida Soomaaliya ku doodayso ka dib Soomaaliya la yiraahdo arrinta badda waa inaad wadahadal kala gashaan kenya, waxaana sahalaya arrinkaas ayuu yiri waxaa galka dacwada ku hoos qarsoon xeerka loo yaqaan EEZ kaas oo la doonayo in lagu ansixiyo, Soomaaliduna ma fahamsana ayuu ku doodayaa.

Mudane Bashiir Maxamuud wuxuu leeyahay EEZ wuxuu ku soo koobayaa badda Soomaaliya 12nm halka uu hadda yahay 200nm, marka haddii aanu Baarlamaanka Soomaaliya arrintaas ka fariisan qatar ayay ku jirta badda soomaaliya.

Haddaba xukuumada Soomaaliya iyo shacbiga Soomaaliyeed arintan waa in ay ku baraarugsanaadaan si aan looga hoos bixin.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Nuur Colombo

Hadalsame Media