Kooxda Juventus oo RAKAATO lagu qabsaday!! (Xasarad oogan & dad la xirey)

0

(Torino) 18 Sebt 2019 – Andrea Agnelli ayaa daboolka ka qaaday in Juventus ay rakaato ku dayeen qaar ka mid ah isla taageerayaasheeda iyagoo ku hanjabaya inay heeso cunsuriyadeed qaadi doonaan haddii aan la siinin tikityo bilaash ah, arrintan ayaana shalay loo xirey 12 ka mid ah hoggaamiyeyaasha taageerayaashaas.

Twelve leaders of Juve ultras groups were arrested yesterday for criminal conspiracy, blackmail, money laundering and violence.

Waxaa taageerayaashan loo haystaa mu’aamarad dembi, rakaato, lacag dhaqid iyo gacan ka hadal ka dhan ah kooxda Bianconeri oo haatan dowladda kala shaqaynaysa baaritaanka kiiskan, iyadoo uu Agnelli qirtay inay cadaadis badan kala kulmaan taageerayaashooda.

dmitted his club had been pressured by hardcore fans.

“Juve waxaa lagu khasbay dalabyo ka imanayay kooxaha Ultra, iyadoo ka cabsanaysa cawaaqibka ka iman kara haddii ay cunuriyad ku heesaan sida ganaaxa, joojinta iyo xiritaanka qaybta Curva,” ayuu yiri Badrooniga oo la hadlayay dacwad ooge xigeenka Torino Patrizia Caputo.

Kooxda la sheegayaa waa Drughi oo la sheegay inay soo dhex galeen taageerayaasha Juve balse ay yihiin dad cunfi ku shaqaysta oo halis ah, ANSA ayaa xitaa sheegtay in dib loo dhigi karo kulanka Juve iyo Verona ee Sabtiga qalalaase ka dhex oogan taageerayaasha dhexdooda darteed.

Taagerayaasha Juventus qaybta Ultra ayaa sidoo kale diidey inay kooxda u raacaan safarka Champions League ee Atletico Madrid oo ay ku wajahayaan Wanda Metropolitano iyagoo ashtako ka ah ragga laga xirxirey.

Hadalsame Media