”Iiraan waaba tahay cadowgeenna, balse Sucuudiguna saaxiib ma istaahilo!” – Maraykanka oo ishaa falato kula dhaqmaya Sucuudiga

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2019 – ”Iiraan waaba tahay cadowgeenna, balse Sucuudiguna saaxiib ma istaahilo!” waa cinwaanka sheeko lagu qoray New York Times. Aan ku horreeyo e, waa tii dhawaan diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn qaraxyana ka buuxaan lagu weeraray laba jeer warshado saliidda lagu sifeeyo oo ku yaalla Sucuudi Carabiya, gaar ahaan magaalada Abqiiq oo ay ku taallo tan ugu wayn adduunka ee saliid sifeynta iyo ta kale Khuraysay, kuwaasii oo hoos yimaada shirkadda shidaalka Aramco ee dowladdu leedahay. Weerarkan waxa uu geystay khasaaro aad u baaxad wayn oo siiba dhaawac wayn gaarsiiyey warshadaha, weerarkan waxaa qaaday kooxda xuutiyiinta Yemen ee isbahaysiga Sucuudigu dagaalka aan guusha lahayn ku haayo, iyaga oo uga gol leh in boqortooyadu faraha kala baxdo Yeman, haddii kale ilaheeda dhaqaale ay weeraradu sidii dhibcaha roobku ugu daadan doonaan.

In kor u dhaafeysa 5 milyan oo barmiil, kala bar shidaalkii boqortooyadu soo saari jirtay islamarkaana ay dhoofin jirtay ayaa hoos u dhacay, waa sida wasiirka tamartu u sheegay warbaahinta e, taasi oo horseed u ah in 5% shidaalka caalamku hoos u dhacay, Barmiilka saliidda aan bislaan ah ayaa hadda qiimihiisu gaaray $66.28 doollar, taasi oo ka dhigan toban boqolkiiba in uu sare u kacay.

Maraykanka, madaxwayne Trump wax sidaa u wayn kamuu oran, balse waxaa ka hadlay xoghayihiisa dibadda bembeeyo oo Iiraan ku eedeyey ariinkan weerarka ah in ay lug wayn ku leedahay, Maraykanku in uu ka aamuso maxaa keenay?! Sababta uu isu dhibeyn waa in uu leeyahay keyd shidaal oo aad u ballaaran, taas ayaana keentay in uusan wax wel wel ah ka qaadin weerarka kasta oo boqortooyadu wajahdo ama uuba dan ka gelin, waayo wixii u darnaa oo uu sanooyin quudan karo boqortooyadana ka daldalanayey waa u daboolan yihiin.

Sidee ayey Ameerikaanku habkan qosharaha cajiibka ah u degeen? Bilowgii toddobaatameeyadii ayey dowladihii Carab ugu tunka waynaa oo Sucuudigu ugu horreeyo cunaqabatayn dhanka shidaalka ah saarin Maraykanka iyo xulufadiisii, iyagoo sabab uga dhigay in ay taageero aan geed loogu soo gabban siiyeen yuhuuddii ay dagaalka kula jireen, waxaa soo food saartay reer yurub iyo Maraykan dhibaato aad u daran, heer la arko dadkii oo qabow u dhimanaya, maxaa yeelay shidaalku wax badan ayuu ka caawin jiray, waa tii Maraykanku sameeyey isku dayo badan oo uu boqortooyada ku qancinayo

Yeelkeede, ma suuroobin oo waa iyagii shirqool ku dilay amiirkii waqtigaa talada Sucuudiga joogay amiir Feysal Binu Cabdicasiis, kaasi oo go’aanka shidaalka looga joojiyey lahaa, waxii waqtigaa ka dambeeyey Ameerikaanku jaanis ayuu helay boqortooyada kula falgeli karo, maadaama aysan caqabadi jirin, madaxdooda waxa ay allifeen in dalka loo sameeyo hab shidaal oo keyd ah, si mawjado kale oo caqabad ah uga bad baaddo USA, taasii oo aakhirkii lagu guulaystay soona tixnayd waqtigaa ilaa hadda. Maraykanku waa kan leh keydka shidaal ee dunida ugu badan waana kan adkaysan kara muddo, xaalad kasta, waxaa ugu jira dhulka hoostiisa godad uu qotay waqtigaa in ka badan 700 milyan oo foostoo shidaal ah, waa mid ku kalsoon adkeysigiisa, suuqyada caalamka ee shidaalkana caadi ka dhigi kara.

Iiraan iyo Sucuudiga, wixii ka dambeeyey kacaankii Iiraaniyiintu ku baraarugeen ee 1979-kii ka dhacay, loollan Bariga Dhexe ah ayey isku wajahayaan labadooda, haddii ay ahaan lahayd soo jiidashada caalamiga ah iyo midda siyaasadeed juqoraafi ee is ballaarinta ah, Iiraan waa tii wixii waqtigii kacaanka ka dambeeyey horumarinta awoodeeda waqti gelisay ilaa hadda aynu aragno oo ay tahay dal aan lagu dhicin oo gumuciisu isagu gudahiisa ku farsameysta, halka boqortooyadu galbeed soo amaa hato hubka is difaaca gaar ahaan Maraykanka, labada dal inta badan waxa ay dadku daliishadaan in ay isku hayaan labada madhab ee shiicada iyo sunniga ah, balse taasi mid ka ceyn ah ayaa meesha taal oo dagaalka saliidda ah.

Waa tii Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii, kaasi oo ay Iiraan la galeen quwadaha waawayn isaguba ha ugu horreeyee, waa tii uu cunaqabatayn xoog leh saaray Tehraan, boqortooyadana ku baraarujiyey in ay aad u badiso waxsoo saarka saliidda, si meesha ay uga baxdo tan Iiraan ee suuqyada caalamka haysata, Jamhuuriyadda islaamiga ah waa tii furka tuu ratay oo arrintaasi ay gubtay,waa ta illaa maanta koox taabacsan ay gantaallo iyo drone ah ilihii dhaqaalaha boqortooyada garaacayaan bad iyo berriba, lana micno ah taydaba suuqii laga xir ee taada holaceeda daawo boqortooyo!

Ugu dambayn, Maraykanku joogitaankiisa Bariga Dhexe saaxiibkiisa Sucuudiga wax ugu tarin aan ka ahayn waxaan kuu hayaa nuucyadii ugu dambeyey ee hubka, haba ugu horreeyaan diyaaradaha dagaalka casriga ee Yeman lagu garaaco kuna dhaqaalo beeshay, waa ka sida joogtada ah uga dhuuqaya shidaalka aan cadadka lahayn iyo balayiinta hubka uu kaga iibinayo.

Taasi oo ay u dheer tahay fadeexadda ah, bahasha waa ay yar tahay noo soo badsha, haddii aan idin dul joogi lahayn hal maalin gudaheed Iiraan ayaa idin leefan lahayd, dul joogaasina waa midka isaga oo dhoosha ka qoslaya lagu beegsanayo ilihii dhaqaalaha ee boqortooyadii uu ka caano maalay, maantase uusan u baahi wayn oo tii hore la mid uuan u qabin oo uu ka xiiso dhacay, waayo waa isku filnaaday jeerkan.

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media

Facebook Comments