DF Somalia oo loo gacan geliyay xogta qaraxii loo gaystey diyaaradda DAALO (Maxaa la ogyahay?)

0

(Muqdisho) 18 Sebt 2019 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wareejiyey warbixin ku saabsan baaritaanka qaraxii diyaaradda Daallo Airline ee bishii Feberaayo sanadkii 2016-kii.

Inkasta oo uusan u dhicin qaabkii loo naq-shadeeyay, haddana waxa uu ahaa weerar ku cusub falalka ay kooxaha argagixisada ah ka fuliyaan dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Ruux naftii hore ah, Cabdullaahi Cabdisalaam Borleh, ayaa qaraxa la fuulay diyaaradda, markii loogu soo rakibay laptop. Kaliya isaga ayaa ku naf-waayey, wallow uu burbur u geystay diyaaradda.

Borleh, oo qarxiyey laptop-ka markii ay diyaaradda ka duushay shilinka Aadan Cadde, ayaa la sheegayaa in tikidka uu diyaaradda ku raacay kasoo goostay xafiis ku yaala magaaladda Luanda ee Angola.

Iyaga oo ka duulaya arrintaas, mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa dabagalka ay ku sameynayan dhacdadan la aadey dhanka Angola, si ay xaqiiqada u helaan.

Taliyaha sirdoonka Angola, José Luís Caetano Higino de Sousa oo Talaadadii, 17-ka September 2019, Muqdisho ka degay ayaa warbixin ku saabsan kiiskan wuxuu ku wareejiyey dhigiisa Soomaaliya, Fahad Yaasiin.

Warbixinta oo la sheegayo in ay ku jiraan “macluumaadyo culus” ayay saraakiishu ka gaabsadeen in ay nuqulo kamid ah dusiyaan.

Kadib is-miidaamintaasi, xeer-ilaalinta Soomaaliya ayaa laba ruux u dacweysay kiiskan. Cabdullaahi Xirsi Xaashi iyo Cabdiwali Macow oo shaqaalaha garoonka kamid ahaa waxaa lagu eedeeyay in ay gudbiyeen.

Muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ayay kasoo muuqdeen ragga. Kahor maalinta qaraxa, maalmo kahor waxay laba jeer isku dayeen in ay fuliyaan howlgalka.

Baareyaasha ayaa rumeysan in shirqoolka lala damacsanaa Turkish Airlines. Jabuuti ayuu ismiidaamiyaha rabay in uu kasii raaco diyaarada Turkiga. Balse duulimaadkii labaad dib u dhac ayaa ku yimid maalintaas.

Kooxda AlShabaab oo mas’uuliyadda weerarka qaadatay ayaa ku eedeysay Turkish Airlines in ay dunida islaamka ku faafineyso “danaha reer Galbeedka”.

Duulimaadka Daallo ee qaraxu haleelay oo tirsigiisu ahaa 159 waxaa la socday 80 rakaab ah. Kadib falkaasi, xukuumadda Muqdisho ayaa joojisay passport-kii ay ku bixin jirtay qaabka online-ka ah.

Isha: Garowe Online

Hadalsame Media