YAAB: Hal markab oo lacagta uu ku fadhiyaa u dhiganto MIISAANIYADDA ciidan ee 180 dal

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2019 – Ku darso inta aad ka ogtahay: Markabka diyaaradaha dagaalka xambaara ee Mareykanka laga leeyahay ee USS Gerald Ford oo la sameeyey 2013 wuxuu ku fadhiyaa qiimo gaarata 13 bilyan oo doolar.

Lacagtaas waxay u dhigantaa miisaaniyada ciidan ee sanadlaha ah 180 wadan oo caalamka ka tirsan oo la isku daray. Markabka ayaa loogu magac daray madaxweyne Gerald Ford oo ahaa madaxweynihii 38-aad ee Mareykanka soo mara.

USS Gerald Ford wuxuu qaadaa 75 diyaaradaha dagaalka, waxaa kaloo ku rakiban 2 meelood oo laga tuuro gantaallada xambaara madaxyada nukliyeerka. Shan kun oo qof oo ciidan iyo shaqaale isugu jira ayaa oogada u saaran.

Culeyska uu qaadi karaa waa 100 kun oo tan. Xawaaraha socodkiisa saacadii wuxuu jari karaa 55km.

Xigasho: Global Firepower

Diyaariye: Mowliid Xaaji Cabdiweli

Hadalsame Media