DHIB LAMA DOONTO! Sucuudigu DAB ayay ku falaadeene hadda maxaa u FURAN?!

0
Qaac iyo holac ka baxaya wershadda Aramco ee ku taalla Abqaiq, Saudi Arabia, Sebtembar 14, 2019

(Hadalsame) 16 Sebt 2019 – Sucuudigu waxa ay ku falaadayeen ‘Dab’, oo aysan qaadan khatarta ka imaan kartay, balse hadda ayey si dhab ah u guranayaan wixii ay beerayeen. Dhegta kaliya ee ay wax ku maqlaan waa tan Mareykanka ay ku dhagaystaan, Waxa ay laayeen oo ay xasuuqeen kumanaankun maanti ah oo aan waxba galab-san, oo in walaal, deris iyo Islaanimo-ba u dugsadaanba ay ahayd Yemen.

Yaman Xuuti ayaa wax laga weydiinaya, lagala xaajoon karay, welina lagala hadli karaa, iyo dhinacyada ay dhageystaan baa maslaxada qayb- ka noqon karaa, balse gobalka is-diidan ee Mareykankana basiinka ku sii shidaya, awood in wax lagu maquuriya iyo luuqad wax ku dheel ah adeegsanayo, in Sacudiga ka fakero ayey ahayd.

Lama dafari karo dharbaaxada gaartay Sacudiga weeraradii dorraad lagu beegsaday goobahooda shidaalka gaar ahaan wershadaha sifaynta ARAMCO oo ah tan ugu wayn dunida oo idil, ”Waa laga hortagay iyo waa la fashiliyey” maanta ciiwaanka warbaahintooda ma aha, balse cambaareyn iyo calaacal baa ku qoran.

Waxa ay ila tahay in Sacudiga laga nabbad galo, nabbad raadiyo, gobalka colaadiisa hurinayo u muujiyo kana dhabeeyo in loo bedelo gobal isku uur-fiyoon, ma qabo in Iiraan meel cidlo ah lagu xag-xagto, in lala hadlo, lala heshiiyo baan qabaa oo diplomasiyadu iyo caqliga wanaagsan uu shaeqeeyo. Arrintani kaftan ma gasho!

Waxaa Qoray: Maxamed Cismaan (Black Copra)

Hadalsame Media