Dal suuq wayn u ahaa DHUXUSHA Somalia oo haatan MAMNUUCAY!

0

(Kuwayt) 16 Sebt 2019 – Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Kuwayt ayaa la sheegay inay mamnuucday in dalkeeda la soo geliyo dhuxusha laga soo daabulo dalka Somalia.

Sida uu qorayo Al-Rai, Kuwayt ayaa arrintan uga gol leh inay kula dagaallanto maalgelinta dadban ee ay kooxda Shabaab ka hesho dhuxusha laga dhoofiyo meelo ka tirsan koonfurta Somalia, gaar ahaan Jubbada Hoose.

Warkan ayaa loo cuskaday warqad kasoo baxday QM, kaasoo nuqul ka tirsan la gaarsiiyay Wasaaradda, iyadoo lagu wargeliyay in dakhliyada dhuxusha lagu maalgeliyo howlo argagixiso, si toos ah iyo si dadbanba.

Tillaabadan ayaa qayb ah qorshe ay dejisey QM oo lagu doonayo in lagu qallajiyo meelaha ay wax kasoo galaan kooxaha gaysta dembiyada abaabulan, iyadoo ay arrinkaas aad usoo dhoweeysey DF Soamalia.

Dhuxusha la dhoofinayo ayaa sidoo kale aad u baabi’inaysa degaanka, iyadoo ay haatan Somalia lasoo deristey roob yari soo noqnoqota.

Isha: Arab Times

Hadalsame Media