Cumaroow! Gabdhaha qurxoon, dadka iyagaa ugu farxad yar!! (Sheeko akhrin mudan)

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2019 – Wiil xariif ah oo Yemeni ah, laguna magacaabo Cumar Al-Camuudi ayaa waxaa uu farriin shukaansi a u diray gabadha lagu magacaabo Kiristiyan Baysari, taas oo ka warranta telefishanka Al-Xadas. Ereyadii quruxda badnaa ee uu Cumar qoray awgood waxaa ay noqdeen kuwo lagu faafiyo Facebook iyo Twitter, jeer uu warkii gaaray gabadhii, waxaana ay lasoo xiriirtay Cumar, iyadoo uga mahadcelinaysa darreenka quruxda badan ee uu u muujiyey.

Waakan labadii qoraal ee ay Cumar iyo Kiristiin isweydaarsadeen.

Farriintii Cumar, “Ma ogtahay in wiilka Yemeniga ah uu necebyahay siyaasadda iyo hadal haynteeda? Saas oo ay tahay isaga oo amakaagsan uu adiga ku daawanayo isaga oo dhoollacadeynaya, adiguna markaa aad ka warramaysid hoogga iyo halaagga dalkiisa ka socda? Ma ogtahay sida uu wiilkaasu u jeclaan lahaa in uu joogo booska kuwa cigaalka ama suudadka qaba ee hawada aad ku waraysanaysid, si uu kuugu sheego keliya qurux badnidaada? Waxa aan kuu sheegi lahaa in aad leedahay sixir, kaas oo wararka xun ka dhigaya kuwo wanaagsan oo la jecelyahay. Hagardaamooyinka aad ka sheekeynaysid, waxa ay ka hadlin lahaayeen dhagoolka.

Indhahaaga baan kaaga warrami doonaa, waxa ay sidaan nabad iyo dagaal, nolol iyo geeri. Gacalo Kiristiyaan, Timahaaga hurdiga ah maankay xadayaan, balse madowga baad aad ugusoo bixi lahayd, barta kaaga taal dhudhunkaaga bidix ayaa u daliil ah taas, hana ka shakiyin in midabka madow lagu xadgudbay marka loo isticmaalay tacsida un. Uma baahnid markhaati iyo wariyeyaal kaaga marag kaca runnimada waxa aad sheegeysid.

War deg-deg ah ku sheeg in Qudus la xoreeyey, Suudaanna ay nabad noqotay, Suuriyana dib loo camiray, dagaalladii Yemenna ay istaageen, noo sheeg in Trump uu xilka iska casilay, dowladaha Carabtana ay xiriirka u jareen Iiraan iyo Maraykanka, odaygii Cali Cabdalla Saalax ahaana uu noolyahay weli, Madaxweynahayaga Cabdirabbi Mansuurna uur leeyahay 7 bilood ah. Dheh waxyaabahaas, waan rumaysanayaa, wararkaaga oo dhan waan rumaysanayaa, balaayo kasta oo aad sheegtidna baraare bay iigu muuqanayaan”.

Farriintii Kiristiyaan

Marxabba Cumaroow!

“Waa Kiristiyaan. Waan akhriyey farriintaadii, mar baan dhoolla caddeeyey, laba goorna waan murugooday. Waxa aan ku qoslay, dareenka haweeneed ee shukaansiga iyo ammaantu ka farxiso, haba qarsadaan eh. Labada jeer een murugoodayna, mar adigaan kuu walwalay, marna anigaa isu walwalay. Waa hooggii quruxda eh, waa kan ragga jacaylka ku dila, dumarkana hinnaasaha iyo nacaybka ku abuura, inanta qurxoonna ku dila cidlada iyo murugada. Dadkoo dhan baa iyada usoo loollama, balse cidna masoo gaarto oo loollankaas un bay soo dhaafi waayaan, kii soo gaarana murugteeda ayuu isna la muraara dillaacaa, waxa uu jecelyahay haweeney ragga oo dhan wada jecelyihiin, jeer uu rumaysto in aysan isaga u gaar ahayn. Cumaroow hablaha qurxoon dadka iyagaa ugu farxad yar, masaakiinta jeclaata ayey qalbiga ka jabiyaan, iyagana maalqabeennada kooda jabiya oo sida sharraxaaddii bay guryaha ku quruxsadaan.

Iga raalli ahow Cumaroow!

Gabdhahayaga wariyeyaasha ah, qurux sidaa u badan ma lihin. Waxa aad arkeysid waa gacan ku samays, waxa aannu la murugoonna baalasha indhaha ee beenta ah marka ay naga dhacaan murug ka badan dhimashada dadka een warkooda tebinayno, baqdinta aan ka baqno in khalad farsamo naga dhoco ayaa ka badan baqdinta duqaymaha. Waxa aannu nahay un boombaleyaal isku dareen ku sheega wararka murugta leh iyo kuwa farxadda leh, meherad caways ah oo lafuray iyo meydka toban carruur ah nooma kala duwana.

Iga ralli ahow Cumaroow

Kuma xog waraysan, saa waxba kaama ogiye, kollay xaalkaagu waa iska adagyahay, sida dalkaagu yahayba. Kooxo tuugo ah baa masaakiin iska dhiga, waxaana ay ku noolyihiin guryo waaweyn, waxa ay iska dhigaan halgameyaal, hadalladoodu waa qallafsanyihiin, ujeeddooyinkooduna waa is daba marsanyihiin, xogtooduna way isburinaysaa. Afkiinna ayey ku hadlaan si ay $200 oo keliya u helaan, sida aad u dhibsataan ka daran baannu u dhibsannaa, nacalad tiinna ka badanna waan ku kiilnaa. Dalkiinna burburay ha idiin barakoobo iyo abwaannada jecel ee ka buuxa, jirridaan idin foolxumaysayna waan idinkaga tacsiyeynayaa.

Nasoo celi hadda!

Waan ogahay in aad raggayaga ku xaasiddaan quruxdeenna, balse ma ogidin in aan annaguna idinku xaasidno hablihiinna iyo sida aad dareenkiinna jacaylka ah ugu bandhigtaan, ereyada qalbiga xada ee aad dhahdaan, balse hablihiinnu ma dareemaan sida aan annagu u dareenno, haka ahaato is adkeyn ama doqonnimo eh. Inanta deriskiinna ah waxa ay awoodda in ay daaqadda kaa qoorato si ay farriimaaha iyo qalbigaaga u xaddo, ama gabadha aad isku jaamacadda ama shaqada tihiin ay kaa soo ag-dhawaato si ay u hesho jacaylkaaga iyo ereyadaada macaan.

Saaxiibtaa waxa ay awoodda in ay jidka kaaga hortimaaddo si ay kuu weydiiso halka dukaanka hadiyadaha lagu iibiyo ku yaal, si aad usii raacdid. Waxa aan ka xumahay ubaxyada ku dhimanaya qalbiyadiinna iyaga oo idin hor jooga, waxa aan ka xumaha ereyada ku duqoobaya carrabkiinna, aamuskooda awgii. Waxa aan ka xumahay qalbiyaddiinna jacaylku ka buuxo iyo gabdhihiinna in la guursado ka doorbidaya in la jeclaado.

Cumaroow, hal sadar oo farriinta aad ii soo dirtay kamid ah baa iiga farxad badan in aan u dalxiis tago San Francisco ama sawir aan kula galo Trump beerta ku taal aqalka cad. Erey jacayl ah baa iiga filan in aan isku tuur-tuuro jidadka Moscow, warqad jacayl oo dhab ah baana iiga qaalisan in aan ku nasto beeraha Andalus. Kuma dalxiiso qaaradaha dunida sida aan yeeli jiray, balse waxa aan ku dhex dalxiisaa ereyadii ku yiillay farriintaada. In aan tafatiro farriintaada ayaa iiga muhiimsan in aan dalalka xoreeyo.

Ugu dambeyn Saaxiibkayoow, Ha igala bakhaylin farriin kale in aad ii soo dirtid. Iima aha farriin oo keli ah sida ay kula tahayba, waxa ay ii tahay tigid aan ku maro magaalooyinka iyo xeebaha qalbigeygu jeclaa, kuwaas oo aysan cid aanan idinka ahayn igeyn karin abwaanoow..

W/T: Cabdullaahi Bootaan

Hadalsame Media