SAWIRRO: Racii labaad ee ciidamada gaarka ah ee Madaxwaynaha oo Dhuusamareeb gaarey (Imaanshiisa oo dib u dhacay?)

0

(Dhuusamareeb) 15 Sebt 2019 – Waxaa magaalada Dhuusamareeb gaarey racii 2-aad ee ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxwaynaha Somalia.

Ciidamadan oo dayuurad looga soo qaaday magaalada Muqdisho ayaa goor dhowayd ka degey garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb, si ay ugu biiraan kuwa kale oo kasii horreeyay.

Dhanka kale, Madaxwaynaha oo maanta la sugayay ayay ilo lagu kalsoonaan karo noo sheegayaan inuu berri dib ugu dhacay sababo aan la sheegin dartood.

Madaxwaynaha Somalia ayaa Dhuusamareeb u tegaya soo abyidda Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug oo halkaa ka socda.

Hadalsame Media