”Nafraan huraynaa haddii nala hujuumo!” – Pakistan oo sheegtay inay Hindiya nukliyeer u adeegsanayso haddii…

0

(Islamabad) 15 Sebt 2019 – RW Pakistani ee Imran Khan ayaa ka digey “cawaaqibka” ka dhalan kara haddii ay Pakistan dareento in looga gacan sarreeyo dagaalka caadiga (conventional war), goorta ay is fara saaraan Hindiya.

Khan oo waraysi siinayay Al Jazeera ayaa la waydiiyay inuu nukliyeer adeegsan lahaa haddii uu dalkiisu dagaal furan la galo deriskooda Hndiya, balse wuxuu bilowgiiba ka afeeftay inuu isagu noqon doono midka weerarka qaadaya.

“Pakistan weligeed dagaalka bilaabi mauso, waana cad yahay warkaygu, anigu waxaan ahay dagaal diid nabadda jecel,” ayuu yiri RW Khan.

Ha yeeshee, wuxuu dhaqse uga digey in haddii ay “labada dal isku qabtaan dagaal caadi ah ay taasi u xuub siiban karto dagaal nukliyeer.” Bale waloow uu taa ku sheegay “mid aan laga fikiri karin,” misna qishka kuu bixiyay wuxuu ahaa mid cabsi abuuray, haddii lacalla ay Hindiya dagaalka caadiga ah uga turuq roonaato Pakistan.

“Haddii aan sheeg in Pakistan, Ilaahay haynaga hayee, ay dagaal caadi ah gasho, deetana nalaka adkaado, oo uu dalku dhex galo laba dookh: oo ah inuu is dhiibo iyo inuu dagaallamo ilaa dhimashada – Waa ogahay in Pakistan dagaallamaysi ilaa dhimashada si ay xor u ahaato.”

Hindiya ayaa iyaduna ka mid ah dalal ku hubaysan hubka nukliyeerka, taasoo keenaysa inay isu dhameeyaan labada dal.

Hadalsame Media