HUBIN: Dowladda Dhexe haba la diidee maxay MAAMULLADU qabteen/taan? + Sawirro

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2019 – Waxaa inta badan dhacda inaan maqalno doodo ka dhex oogan DF iyo madaxda maamullada, in badan waxaa shacabka loo sheegaa in dowladda dhexe loo diiddan yahay ”inay awoodda isku koobto” sidaa darteed ay maamulladu u jiraan inay iyagu wax qabsadaan. ”21 sano ayaannu dowlad nahay” ayaa doodaha kusoo noqnoqota.

Yeelkeede, ma jiro maamul haba yaraatee adeeg micne leh umadda u qabta, marka laga reebo siyaasad cub iyo cir ah oo ay la hor istaagaan dowlad kasta oo dalka ka dhalata, taasoo meesha ka saarta wax badan oo la qaban lahaa.

Tusaale, sawirkaa idiin muuqda waa waddada isku xirta Bosaaso-Garoowe
oo ay waxyeelladii roobabkii guga aanay cidna wax ka qaban, balse roobabkii dayrta oo bilowday la filayo inay is raaciyaan xoogaagii daamuurta ahaa oo ku haray.

Maalin dhowayd waxaa hadlayay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, kaasoo sheegay in jidka Hargaysa dhex mara, sida uu maanta yahay iyo xaaladda uu ku sugan yahay ay ka liidato sidii uu ahaa 1988-kii.

Gobollada qaar sida kuwa dhexe haba sheegin iyaga waxaaba in badan dhaama gobollada aannu kasoo hadalnay.

Nin baa yiri: ”Haddii uu Nabi Aadam CS soo noolaan lahaa dhulka wuxuu aqoonsan lahaa Gobollada Dhexe.”

Haddaba, maxaa la qabtay dowlad dhexe haba la diidee?

Hadalsam Media