DEG DEG: Ciidamada gaarka ah ee Madaxwaynaha oo goor dhow gaarey Dhuusamareeb & isaga oo la sugayo

0

(Dhuusamareeb) 15 Sebt 2019 – Waxaa goor dhow magaalada Dhuusamareeb ka degey ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxwaynaha DF Somalia, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxwaynaha Somalia ayaa halkaa kulamo kula yeelan doona mas’uuliyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee halkaa ku shirsan, maadaama uu magaaladaasi ka soconayo Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug.

Madaxwaynaha ayaa soo xiraya Shirkaasi, iyadoo loo gudbayo wejiga xiga ee dhismaha maamulka.

Warar aannu ka helnay madax sare oo ka tirsan Dowladda iyo dad goobta ku sugan wuxuu Madaxwaynuhu halkaa joogi doonaa muddo 24 saac ah isagoo hal habeen halkaa seexanaya.

Madaxwayne Farmaajo ayaa kaddib u safri doona magaalada New York ee dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgeli doono Kal-fadhiga Golaha Guud ee QM.

Hadalsame Media

Facebook Comments