DAAWO: Garoonka cusub ee Atalanta oo qayb ahaan dhamaystirmay (Ciyaarta 1-aad?)

0

(Bergamo) 15 Sebt 2019 – Gegada cusub ee kooxda Atalanta dhisanayso ayaa gebagebo ku dhow, kaasoo lagu magacaabo Gewiss Stadium kaddib markii la bilaabay in dib u qaabayn lagu sameeyo garoonkii Stadio Azzurri d’Italia.

Garoonkan oo gebi ahaanba lagu kordhiyay fadhiyo, tarabuun iyo saqaf cusub ayaa todobaadka soo aaddan u diyaar u ah in lagu ciyaaro kulankii ugu horreeyay ee Serie A ah, iyadoo ay Atalanta haatan ku dheesho gegada Stadio Tardini ee Parma.

Dhanka Champions League, waxay Atalanta ku ciyaaraysaa garoonka Milano ee Stadio Giuseppe Meazza, oo ku caan ah San Siro.

Yeelkeede, waloow lagu sii ciyaari doono Gewiss Stadium misna si buuxda weli looma dhamaystirin oo shaqadiisu waxay soconaysaa ilaa Juun 2021, taasoo ka dhigan in 3 xagaa oo uu midkani ku jiro si aan loo nasan loo dhisi doono.

Qaybtii ay fariisanayeen Curva Pisani ayaa dhulka la dhigay Abriil 29 si dib loogu dhiso.

Hadalsame Media