”Xiriir baa ka dhexeeya dhaartii shalay & dhaawaca Qalyar” – Xil. Xiddig

0

(Kismaayo) 14 Sebt 2019 – Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo ka mid siyaasiyiinta sheegta madaxtinnimada Jubaland oo ay beri dhowayd ka dhacday doorasho la isku mari waayay ayaa ka hadlay dhaawacii xalay Kismaayo loogu gaystay Axmed Jaamac Qalyar, Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada iyo Isbedel-doonka Jubaland.

Xil. Xiddig ayaa weerarkan lala beegsaday Md Qalyar ku eedeeyay Md Axmed Madoobe, waloow uusan sheegin ama keenin caddayn muujinaysa ama lagu taageeri karo sheegashadaasi. Wuxuu soo qoray sidatan:

”Bismilaah: Ilaahay ayaan caafimaad degdeg ah uga baryeynaa Av. Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland. Makhribnimadii Caawa ayaa lagu toogtay Magaalada Kismayo, dhakhatirta ayaa la tacaaleysa dhaawiciisa waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu xaaladiisa sahlo.”

”Waa hubaal inuu xidhiidh toosa ka dhexeeyo khudbadii naf-la-caariga ahayd ee shalay uu jeediyay Madaxweynihii hore ee Jubaland iyo toogashada Caawa.” ayuu yiri.

”Golaha Badbaadada isbedel doonka Jubaland Waxaan ka codsanayaa inay usoo duceeyaan Av.Axmed Jaamac. Sidoo kale Golaha isbedel doonka Jubaland Waxaan ugu baaqayaa inay feejignaan dheeriya galaan: Waa hubaal inuusan ruuxna maalintiisa dhaafaynin. Golaha isbedel doonka Jubaland marna ma hakin doono ujeedada iyo goolka isbedel doonka.”

Md Xiddig ayaa baaq u diray dhinacyada ay khuseeyso isagoo leh: ”Shacabka Jubaland, Dowlada Federaalka, Beesha caalamka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ugu baaqayaa inay Gutaan masuuliyada ka saaran Ilaalinta Shacabka iyo Dadka masuuliyiinta ee indhaha u ah bulshada.” ayuu warkiisa kusoo afjaray.

 

Hadalsame Media