Maxay nolosha magaalowdey ka bedeshey DULMI & LIIDMO haweenka lagu hayn jirey?!

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2019 – Noloshii miyiga oo geela, daaqa iyo waraabka ku dhisnayd, waxay u baahnayd tol. Dhallinyaro ayaa geela difaaci jirtey, ceelkana shubi jirey. Dumarku ariga, carruurta iyo guriga ayey ku qaybsanaayeen.

Odayaasha socon kara dagaalka kama maqnayan, laakiin waxay u badnaayeen talada. Intaas oo hawl ah waxay u baahnayd dad. Si tolku dad u helo oo u bato, yaraan ayaa la isugu guurin jirey. Hiilladu waxay ahayd dhaqan.

Dumarku maadaama aanay dagaal gelin oo la difaaco, dhaxal lama siin jirin, waayo ka warran hadday guursato mid qabiilkii aabaheed dilay ah oo xoolihii u geyso. Ma waxaasaa la aqbali karaa! Intaas keliya maahayn, ee ciidanku wuxuu ku xoogaysan jirey hilibka.

Markii neef la qalo, dumarku neefka waa bislayn jireen. Markaasay iyagoon hal cad ka reebin ragga u keeni jireen. Xubnaha qaar sida beerka, garabka iyo legga xeerba maahayn in dumarku hunguriyeeyaan. Laakiin ragga fiicani waa ogaayeen in dumarkii weli qatan yihiin oo kolley wax waa soo reebi jireen.

Magaalada markii la yimi oo dawladnimo la helay, waxaa la sameeyey ciidan waddanka oo dhan daafaca, booliis dadka ka dhexeeya, maxkamad wax kala saarta. Dumarkii waxay fursad u heleen inay makhaayad tagaan oo wixii laga hortaagnaa dalbadaan. Waxaa bilaabatay in dadka guriga joogaa si siman cuntada u qaybsadaan isku marna u qadeeyaan.

Dawladnimadu wax weyn ayey naga beddeshay.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media