DARAASAD: Maraykanka oo 6 tarilyan oo doollar ku khasiray dagaallo ay ku dhinteen nus-milyan qof oo lagu qaaday dalal ay Somalia ku jirto!

0

(Washington, DC) 14 Sebt 2019 – Maraykanka ayaa la sheegayaa inuu ku dhowaad $6 tarilyan oo doollar ku khasiray dagaallo kala duwan oo sabab u noqday geerida qiyaastii 500,000 ama nus milyan tan iyo 9/11, 2001, sida uu qorayo Newsweek.

Mac’hadka Watson Institute for International and Public Affairs oo ka tirsan Brown University ayaa iminka daabacay daraasadiisa sanadlaha ah ee “Kharashaadka Dagaalka (Costs of War)”, isagoo eegay lacagaha ay bixisay  Pentagon, iyo xitaa kharashaadka dagaallada la xiriira ee ka baxay khasnadda Wasaarad Dibadeedka dalkaasi, lacagaha u waajiba ruug cadaayada dagaalka iyo daryeellada la siiyo, waxaa dheer lacagaha ay bixiso Wasaaradda Amaanka Qaranka.

Warku wuxuu u dhignaa, “Maraykanku wuxuu dagaal ku bixiyay $5.9 tarilyan oo doollar (oo lagu jaray heerka uu sarrifka doollarku maanta marayo) min 11-kii Sebtembar ilaa maanta 2019.

“Waxaa wanaagsan in shacabka Maraykanka loogu adeego si ka daah-furan, isla markaana la dejiyo istaraatijiyo wax ku ool ah oo la joojinayo dagaallada, si muhiimadda loo siiyo baahida deg degga ah ee adeegyada dadwaynaa.” ayaa lagu xusay daraasadda.

Maraykanka ayaa bilaabay waxa uu ugu yeero ”la dagaallanka argagixisada” kaddib weerarradii 9/11 oo la sheegay inay ku dhinteen 3,000 oo Maraykan u badnaa, wuxuuna deeto dagaallo daba dheeraaday ku qaaday Afghanistan, kadib Ciraaq, Libya, Pakistan, Syria, Somalia iyo Yemen.  Dadka nus milyanka ah ee la diley ayaa u badan dalalkan.

Hadalsame Media