DAAWO: ”Waa tan sababta ay Somalia nooga adkaatay!!” – Kenya oo caloosha ka hadashay

0

(Nairobi) 14 Sebt 2019 – Waxaa weli taagan muranka ay Kenya agaasintey ee ku aaddan inay leedahay dhul-badeed seddax-xagal ah oo ku yaalla koonfurta fog ee gobolka Jubada Hoose halka ay iska galaan xadadka Somalia-Kenya.

Kenya oo dooddan bilowday 2009-kii ayay ka dhaadhacsanayd inay si sahlan ku qaadan karto dhulkaasi, kaddib markii ay heshiis ay ku sheegtay is faham la gashay DKMG ahayd ee xilligaa jirtey, kaasoo uu baabi’iyay Baarlamanka Somalia.

Somalia ayaa Kenya dacwaysey 28-kii Agoosto 2014, xilligii dowladdii Xasan Sheekh, waxaana dacwadda halkeedii kasii amba qaadday dowladda iminka jirta ee Maxamed Farmaajo, iyadoo iminka dib loo dhigay muddo 2 bilood ah oo ku eg 4-ta Nofeembar.

Ha yeeshee, Kenya ayaa geed kasta u kortay, gole kastana u istaagtey inay Somalia la gaarto xeer jajab maxkamadda ka baxsan, balse ilaa iminka uma suura gelin. Sabab?

Nin aqoonyahan ah oo Kenyan ah ayaa sheegay in ay guuldarradani salka ku hayso wax uu ku sheegay Kenya iyo Itoobiya oo muddo dheer olog ku ahaa istaraatijiyad ka dhan ah Somalia aanay iminka isku moowqif ka ahayn siyaasadda dibadeed ee lagu wajahayo Somalia.

”Waxaa awal jirtey siyaasad (dan qaran) ku wajahan Somalia oo shaqaynaysay, hadda se ma shaqaynayso, waayo Itoobiya iyo Kenya isku aragti kama aha siyaasadda amaan ee Somalia, marka arrintaas ayaannu ka gaabinnay.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media