Arrin aysan samayn Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo ay dowladda hadda jirtaa ku dhaqaaqi rabto & MURAN ka taagan!

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2019 – Qoraallada baraha bulshada lagu shaaciyey aya waxaa kuqoran, Gudiga loo xilsaarey kasoo tala bixinta qabsoomida doorashooyinka dhamaadka 2020-ka ay caqabado fara badan hor yaallaan kuwaas oo kamid ah.

Amniga, dhismaha xisbiyada, wacyi gelinta bulshada, arimaha Somaliland iyo kuwa kaloo badan waxayna soo jeediyeen in waqti kordhin 2 sano ah la sameeyo.

Hadaba waxaan ognahay in 2-dii doorasho ee ay soo qabteen Madaxweyniyaashi hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shairif ay caqabadahaan iyo kuwa kabadanba jireen hadana aan wax waqti kordhin loo sameynin.

Sidaas darteed dadka Soomaaliyeed sidee bey u arkaan waqti kordhintaas lasoo jeediyey oo iskugu jirto 2ba nooc loo sameeyo xukuumada hada jirta?

1. In Baarlamaanka hada jira keligiis waqti kordhin loo sameeyo mudo 2 sano ah kadibna ay iyagu doortaan Madaxweyne cusub kadibna qofka ladoortey uu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah mudadaas kooban.

2. In Baarlamaanka iyo Madaxweynaha hada jiraan loo wada kordhiyo 2ba sano kadibna doorasho qof iyo cod ah laqabto taasoo aan la ogeyn wixii 4sano lagu qaban waayey in ay 2sano kusuurta gali karto iyo inkaleed.

Waxay adiga kula tahay?

Waxaa Qoray: Sen. Ilyaas Cali Xasan

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media