LA YAAB! Waxay kala ”FUREEN” laba RAH oo ay roob doon darteed iskugu ”mehriyeen” (Kaddib maxaa dhacay?!!)

0

(Phopal) 13 Sebt 2019 – Laba rah ayay sheegeen inay ”isku mehriyeen” bishii Luulyo si ay uga farxiyaan sanam ay Hinduugu caadubaan, gaar ahaan mid ay sheegeen inuu ”roobka ku shaqa leeyahay” oo ay u yaqaanaan Lord Indra, si ay ”naq u degto” bulshada magaalada Bhopal.

Yeelkeede, iminka ayay markale sheegeen inay ”kala fureen labadaa rah”, kaddib markii uu degaankii daad qaaday, iyadoo uu guud ahaan Madhya Pradesh ka da’ay roob 26% ka badan midkii caadiyan loo bartay, kaasoo uu ku jiro roob rikoodh jebis ahaa oo muddo 24 saacadood ka yar ku gaarey 48mm oo ka da’ay Bhopal.

Waxay taasi keentay in la furo albaabada biyo xireennada Bhopal Kaliyasot Dam, Bhadbhada Dam iyo Kolar Dam oo markii ugu horreeysey la furay muddo 3 sanadood ah.

Xerta Om Shiv Seva Shakti Mandal oo ku nool Indrapuri ayaa markaa kaddib sheegay inay kala furayaan labada rah, iyagoo sidaa ku dhaqaaqay fiidnimadii Arbacadii, xilli ay ku xadraynayaan waxyaabo ay kala soo bexeen kutubtooda.

Nasiib xumo, taasi ma istaajin roobkii oo aan awalba rah dartii ku imanin, waxayna Waaxda Saadaasha Hawadu sheegtay inuu sii di’i doono todobaadkan oo idil.


Hadalsame Media