FAALLO: Natiijadii xulka qaranka Somalia; CASHAR mise TAARIIKH?

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2019 – In aad u ciyaarto qaran burbursan muddo ka badan nus qarni adiga oo leh rajo ah ku guuleysiga jaa’isada ugu sarreysa kubadda cagta ayaa ah mid ayaan darro ah, balse waxaa ka sharaf badan adiga oo u ciyaaraya xul qiimeyn heerkaasi la eg lagu miitaalo misna aad ogtahay haddii uusan adiga ku helin in qof kaleba aanu suura gal u aheyn u ciyaaristiisa.

Waa sida ay hadda ku ciyaaraan ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed oo in badan lasoo kulmay guuldarrooyin mahadho leh, tusaale ahaan innaga oo ah shacabka ay huwan yihiin haybaddooda waxaan ugu abaal gudnaa ereyo ah, kuwii dalxiiska u baxay immisa ayaa looga soo badiyey?! bal qiyaas ciyaaryahan rajo ka leh ku guuleysiga koob marka hadalkaasi uu maqlo miyay yeelan karaan hammi natiijo?

In Zimbabwe oo qeyb ka aheyd ciyaarihii qaramada qaaradda Afrika 2019 ee ka dhacay Masar  ay ka badiso mid kamid ah xulalka ugu guulaha hooseeya qaaradda Afrika dadku qaar waxay lahaayeen taariikh balse annigu sidaasi iilama muuqato, waxaase dhihi karaa oo keliya ma aheyn taariikh ee waxay aheyd cashar.

Sannado kahor marka aad la sheekeysato madaxda cayaaraha dalka oo aad hordhigto weydiin ah, maxaa laacibiinta qaranka keliya looga xulaa Xamar? Warcelinta ayaa aheyd ma heysanno kharash aan ciyaartoyda gobollada ku keeni karno Muqdisho, balse hadda waxaad moodaa in fikirkaasi qiyaaliga u badnaa uu soo idlaaday waase casharkii aan ka barannay labadii kulan ee Soomaaliya ay la ciyaartay qaranka Zimbabwe markaasi oo inta ugu badan laacibiinta qaranka laga keenay dibadda, taasina waxay dhallisay in xulka labada kulan qeybta koowaad aan shabaqooda gool la taabsiin.

  • Soo xulista ciyaartoyda ee ku dhisan in xiddigaha laga keeni karo meelo ka baxsan Xamar sida gobollada iyo dalka dibaddiisa waa mid muhiim u ah xulka, tusaale ahaan xilligii berisamaadka waxaa jiray ciyaartoy inta tartamadii goballada lagu arkay kaddib lagu daray xulka sida Cafiif, Bin-Shaakir Shaash iyo kuwa kale aan halkaan lagu soo koobi karin dhammaana waxaa lagu sheegaa inay qeyb ka ahaayeen kuwii ugu habboona ee maaliyadda qaranka soo xirta.
  • In la xareeyo xiddigaha qaranka waxay bahda ciyaaraha oo u badan ciyaatoydii berisamaadka ay ku sheegeen inay tahay mid lama huraan ah haddii loo baahan yahay ciyaatoy isla jaan qaadi karta oo saf dhammeytiran ah.
  • Hab xulista ciyaartoyda ee haatan ku dhisan qabiilka iyo nin jecleysiga waa dhabar jabka ku habsaday xiddigaha Badweynta, wax yaabaha dhacay ee la arkay waxaa kamid ah in masuulyiinta kooxaha hoggaamiya ay madaxda ciyaaraha ku cadaadiyaan in koox kastaaba ay ciyaaryahanno ku yeelato iyada oo aan loo eegeynin xirfaddiisa iyo wax-qabadka uu ku muteysan karo matalidda xulka, waase dhibaato kale oo qeyb weyn ka ah guuldarrooyinka xulkeenna, xulka guul miyuu u baxay mise muuq?
  • La’aanta garroomada, waa aafo weyn oo uu qof waliba ogyahay, tani waxay dhalisay in xulka qaranka Soomaaliya uu minin ahaan ugu ciyaaro dalka sida sharfoon inoo qaabilay ee Jabuuti, iyada oo ay dhawaan mareegta kasoo baxda dalka Sacuudiga ee Arab News ay daabacday cinwaan ay ula baxday “ Xulkii hooy la’aanta oo ka yaabsaday Zimbabwe.” Dadka Soomaaliyeed ee sida weyn u faaqida ciyaaraha waxay sheegeen in hadalkaasi uu sax ahaa, waxayna sabab u dhigeen in xulka aanu heysan garoon uu ku marti geliyo dalalka caalamka.

Sababta keeneysa in xulka uusan marti gelin karin wadamada kale waxaa lagu sheegay in Muqdisho aysan amni aheyn, ogoow Xamar keliya ma ahan Soomaaliya, bal maxaa diidaya haddii Muqdisho aysan xasillooni ka jirin in garoomo heer sarre ah laga hir geliyo magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo oo ka nabadsan  Xamar? Waa weydiin aan hordhigayo madaxda ciyaaraha dalka oo ay ugu horreeyaan masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo iyagu kharash badan ka hela hay’adda FIFA.

  • Joogteynta ciyaaraha gobalada waxay qeyb ka qaadaataa in la helo ciyaartoy heybad u leh kubadda kuwaasi oo ka xooggan kana dhisan kuwa ka ciyaara caasimadda, tusaalaha cad ee la helay ayaa ah in labadii tartan ee ugu danbeeyay cayaaraha maamul goboleedyada ay hanteen Puntland iyo Jubbaland iyada oo ay xittaa Muqdisho soo gaarin heerka ugu danbeeya ciyaarahaasi.
  • Taageerada maaliyadeed ee dowladda waa mid kamid ah tubaha ugu weyn ee lagu xoojin karo xulka qaranka Soomaaliya, dibna loogu soo celin karo sharafkii uu ku lahaa qaaradda iyo caalamka intiisa kale iyada oo loo sameynayo miisaaniyad loogu tala galay xulka qaranka.

Dhammaan qoddobada aan xusay waxay u baahan yihiin ficil ee uma baahna ballan qaad ka imaanaya hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh cayaaraha iyo madaxda sarre ee dowladda, waase haddii si dhabba loo doonayo horumarka cayaaraha dalka.

Ugu danbeyn bahda ciyaaraha qeybaheeda kala geddisan ayaa aaminsan in dowladda looga baahan yahay garab istaag buuxa oo loo muujiyo xulka qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena hay’adaha ciyaaraha maamula lala xisaabtammo, si ay ugu madax bannaanaadaan musuq iyo nin jecleysi.

Mahadsanidiin.

W/Q: Maxamed Xasan Maxamed

Farriin Danabeed: [email protected]

Hadalsame Media

Facebook Comments