DHEGEYSO: ”2 kun oo qofood ayaa sanadkii u dhinta khamri cabista” – Dood siyaasadeed taagan!

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2019 – Xisbiga Vänsterpartiet ayaa dhiggiisa Moderaterna ku dhaliilay qaabka ay u wajahayaan aalkolada oo ay sheegeen inay u arkaan sidii macjuunka lagu cadaydo, balse aanay u arag halis caafimaad.

Iyagoo ka horjeeda hindise uu wado Moderaterna oo ah in ay 7 maalmoodba shaqayso hay’adda khamriga iibisa ee Systembolaget oo aan iminka Axadda shaqaynin.

10 sanadood muddo haatan laga joogo ayaa sidoo kale horay loo fasaxay in dukaamadan Sabtiga la furo. Karin Rågsjö oo u hadashay xisbiga Vänster ayaa furka ku xoortay aragtisaas.

“Waa wixii lagu yaqaaney Moderat-ka oo khamriga u arka sida badeeco kastoo kale, balse aan ka eegayn dhanka caafimaadka bulshada, yacni waxaan ula jeedaa inaysan dan ka lahayn cawaaqibka ka imanaya waayo koror ku yimaada helitaanka Khamrigu wuxuu keenayaa dhaawac badan, horraanba 2 kun oo qofood ayaa khamriga dartii sanad kasta u dhinta, waxaana jira ugu yaraan 4 kun oo carruur ah oo ku nool guryaha qoysaska cabtooyda ah,’’ ayay tiri Karin Rågsjö (V).

Si aannu dooddan iyo waxa la isku hayo xog dheeraad ah uga helno waxaan ka waraystay Keenadiid Maxamed oo ka mid ah shaqaalaha Laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda Sweden, anigoo bilowgiiba waydiiyay inuu sawir guud naga siiyo arrintan.

Hadalsame Media