DHAGAR QOOSHAN: Sirdoonka Israel oo la ogaadey inay basaasaan AQALKA CAD

0

(Washington, DC) 13 Sebt 2019 – Labadii sanadood ee tegey waxaa la sheegay in uu Sirdoonka Yuhuuddu uu agab lagu dhega dhegeeyo mobayllada uu ku xirey meel aad ugu dhow Aqalka Cad iyo meelo kale oo ”xasaasi ah” oo ku yaalla caasimadda Washington DC si ay u dhegeystaan, taasoo ay Israel beenisey.

Qalabkan – oo loo yaqaanno Shafanaha Qaniinyada ama ‘StingRays’ oo loogu magac daray nooc ka mid kalluunka oo danabeeya wixii maaga – waxaa bilowgii laga dhex helay Wasaaradda Amaanka Qaranka sanadkii 2018-kii, sida uu qorayo Politico oo arrintan xog ka helay.

Wuxuu agabkani keenayaa in anteenooyinka laliya telefoon gacmeedyadu ay agabkan u diraan xogo ku saabsan warka la is dhaafsanayo, goobta lakala joogo iyo xogo kale oo sheegaya haybta dadka wada hadlaya.

Waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday wicitaanno dhex marayay Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump iyo dadka isaga aadka ugu dhow, sida uu sarkaal hore u sheegay Politico.

Waloow aanay kala caddayn in lagu guulaystey ololahan sirdoonka ah, misna wuxuu sarkaal are oo ka tirsan Sirdoonka Maraykanku sheegay in  ay “u caddahay inay Israel arrintan ka dambayso.”

Dabcan ma aha markii ugu horreeysey ee Israel lagu helo bartilmaameedsiga sirdoon ee Maraykanka oo ay sheegaan inay xulufo la yihiin, iyadoo ay sanado badan arrimahani soo socdeen dhowr shilna ay dheceen waloow hoos loo dhigay, iyadoo ay Washington Israel u aragto halis sirdoon, sida uu kashifay sir-afuufka Edward Snowden.

Hadalsame Media