Danjiraha Denmarka oo la YAABTAY meel ay horumar deg deg ah ka samaynayso Dekedda Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 13 Sebt 2019 – Waa war Farxad leh oo caddeyn buuxda u ah sare u kaca iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya. Waa Markabka shirkadda ugu weyn ee Xamuulka qaadda Adduunka ee MAERSK LINE ee laga leeyahay Denmark oo taagan Dekadda Muqdisho, waxaana dul saaran Safiirka Denmark ee Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles haweeneyda lagu magacaabo Mette Knudsen.

Safiirka ayaa boggeeda Twitter-ka waxay ku qortay in 8 bilood gudaheed markii ay Maersk ka shaqo billowday dekadda Muqdisho ay noqotay tan 3-aad ee ugu weyn ee ay Konteenarro Badeecooyin ah geeysa Muqdisho waxaana ay sheegtay inay ay hubto in sanadka dambe dekadda Muqdisho ay gali doonto kaalinta 1-aad.

Hadde waa 8 bilood oo keliya

Dhanka kale ganacsatada Soomaaliyeed ayaa iyagana waxaa u fududaatay inay si tartiib tartiib ah u dhoofiyaan qaar ka mid ah kheyraadka dalka sida; Sisinta, Liinta, Muuska, Cambaha, Haragga xoolaha, Dhegaha Libaaxa iyo Aargoosato kuwaas oo suuqyo fiican ka helay qaar ka tirsan dalalka caalamka.

Ninkii yiraahda Xamar ganacsi kama socdo wallee waa Beenaale

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Y Khasaaro

Hadalsame Media