DAAWO: ”Meel fog baa laga doonayaa!” – Cali Kh. Gallayr oo kasii quusanaya ”tabliiqii siyaasadeed” ee Somaliland (Wasiirka Gudaha oo ay madal isku heleen)

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2019 – Cali Khaliif Gallayr oo ka hadlayay munaasabad looga dhawaaqayay madal la yiraahdo Dukhsi Foundation ayaa markii 10-aad ku celceliyay inaan weli lala qaadan ama aan laga qaadan fikrad uu u bixiyay ”tabliiqa siyaasadeed” oo uu ku doonayay in lagu mideeyo reer woqooyiga.

Gallayr ayaa tilmaamay in waloow ay heshiiska la qaadaa dhigtay xukuumaddii Siilaanyo aysan iminka muhiimaddii uu mudnaa aanu ka helin midda Muuse Biixi.

”War Somaliland la wada leeyahay haddaan sidii raggii hore uga shaqeeyeen aan looga shaqeeyn, wallee meel fog baa laga dooni” ayuu yiri Gallayr oo sheegay inuu xitaa iska joojiyay howlihii ”tabliiqa siyaasadeed” kaddib markii khalad laga fahmey.

Waxaa fikraddiisa ku raacay Faysal C Waraabe oo sheegay in ay wax uun weli isu jiidjiidayaan waloow uu laftiisu muujiyay in aysan dadaal badan ku bixin in arrintan la dhameeyo. ”Xajkii baa naga soo galay!” ayuu yiti.

Yeelkeede, Wasiir Gudeedka Somaliland Maxamed Kaahin ayaa isagoo iska difaacaya eedda Cali Khaliif wuxuu sheegay in ay arrintii dib u geli doonaan, isagoo Faysal marqaati u qabsaday, balse qiray inay weli arrintu iyaga la taallo.

Hadalsame Media

Facebook Comments