Waaxda Socdaalka oo ku dhawaaqday in la hakinayo bixinta Baasaboorka (Sababta hakinta & goorta dib loo bilaabayo?)

0

(Muqdisho) 12 Sebt 2019 – Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee DF Somalia ayaa ku dhawaaqday in la hakinayo bixinta Baasaboorka Somalia.

Waaxda Socdaalka ayaa war rasmi ah oo kasoo baxay ku sheegtay in bixinta Baasaboorka Somalia la hakin doono muddo todobaad ku siman, iyadoo aan wax faahfaahin ah oo dheeraad ah ka bixin sababta keentay hakinta, balse loo badinayo mid farsamo, sidoo kale lama oga inay la xiriirto musuq baahsan oo ku hareeraysan codsiga iyo qaadashada Baasaboorka iyadoo ay dadku bixiyaan lacago ka badan middii xaqa loogu lahaa oo ku baxda musuq iyo garab taabad, iyadoo la sheegayo inay canaani ka timid madaxda sare.

”Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka.” ayuu u dhignaa warka kasoo baxay Waaxda Socdaalka.

Tan ayaa ka dhigan in Sabtiga soo aaddan, 14-ka bishan Sembtembar 2019 la hakinayo codsiyada lagu dalbado Baasaboorka iyadoo dib loo bilaabayo 21-ka isla bishan Sembtembar 2019.

Hadalsame Media