QARNI UUN: Ma fogayn markii ay afka QALLAC ka suri jireen haweenaydii aan ninkeeda ka amar qaadan! + Sawirro

0

(Hadalsame) 12 Sebt 2019 – Dumarka gaalada ah, muddo dheer waxay la noolaayeen ciqaab raggoodu ku sameeyo oo aan loo naxayn. Qarnigii 16-aad ee Miilaadiga, ayaa ciqaabtan in yar hoos u dhacday, illaa ay wada joogsatay qarnigii 19-aad.

Ninku marka uu naagtiisa ku arko salfudayd iyo hadal badan, qallac nooc bir ah, ayuu madaxa u galinayaa, isagoo birtaas afka soo dhexmarinaya si aysan u hadlin.

Haddii ay intaas ku waantoobi waydo, waxaa loo soo saarayaa wadada iyadoo qof walba oo arka iyadoo qallacan candhuuf ku tufa oo la ihaanaysto. Kaddib dariiqa dhexdiisa, ayaa lagu karbaashi jiray. Warkan waxaa qoray website-ka History Uncover.com.

Dumarka Muslimiintu markaas waxay ku nool yihiin nolol tii ugu wacnayd, uguna ixtiraam badnayd. Mahad Ilaah baa leh naga dhigay Muslimiin. Maanta waxay loo sheegayaan waxaa lagu tuntaa xuquuqda dumarka. Kir dheh.

Waxaa Diyaariyay: Awrka Cirka

Hadalsame Media

Facebook Comments