Gabar yar oo 13-bilood jir ah ayuu inta QALLAJISO geliyay ku daaray!! + Sawirro

0

(Hamilton) 12 Sebt 2019 – Mid bilaa damiir ah oo inta gabar yar oo 13-bilood jir ah ku ridey qallajisada qasaaladda misna ku shiday kaddibna weerar kale ku waxyeelleeyay ayaa waxaa lagu xukumay 7 sanadood.

Thomas Dunn, 25 jir, ayaa ku dooday inuu kaliya ‘caawinayay’ gabadhan tillaabada la dhacdhacaysa oo uu sheegay inay iyadu iskeed u gashay mashiinka.

Dunn, oo ku nool Hamilton, Lanarkshire, Bartamaha Scotland, ayaa sidoo kale sheegay inuusan si buuxda u wada xirin albaabka qallajiada, balse ay iskeed isu daartay oo ay bilowday inay wareegto.

Weerarkan ayaa ilmaha yar – oo aan sharciyan magaceeda la sheegi karin – u gaystey tarrar ka gaarey lafta dhakada, wuxuu kaloo dhaawac ka gaarsiiyay madaxa iyo jirka kale markale oo uu wax ku dhuftay.

Dunn ayay maxkamaddu ku heshay dembi ah qaabdarro iyo hab-dhaqan bilaa taxaddar ah, sida ay sheegtay Maxkamadda Dundee Sheriff Court.

Hadalsame Media