DHEGEYSO: Sweden oo ay siyaasiyiin badani XILALKA ka cararayaan & Somalia oo xilka loo ordo (Arag farqiga)

0

(Stockholm) 12 Sebt 2019 – Sanad unbaa laga joogaa doorashadii Sweden ee heer qaran, gobol iyo degmo, balse 10-kii xubnood oo ka tirsan Golaha Degaankaba ee MP waxaa ka baxay ugu yaraan hal siyaasi, waxaana ugu badan isla Xisbiga Degaanka ee Miljöpartiet marka loo eego axsaabta kale, sida ku cad tirakoob kasoo baxay Waaxda Doorashooyinka Sweden oo ay heshay wakaaladda Ekot.

Linus Larsson, oo ka tirsan Golaha Degaanka ee Vingåker, ayaa sheegay inuu xilkiisa uga tegey laba sababood. ”Qayb ahaan shaqada siyaasadeed ee Dowladda Hoose waa mid bilaa abaal ah. Waxaad gelinaysaa waqti iyo tamar, waxaana dhan walba kaaga imanaysa xumaan iyo xagxagasho, gaar ahaan dhanka baraha bulshada waana arrin murugo leh. Sababta 2-aad waxay tahay in aynaan hal jiho isula jeedin aniga iyo xisbigu,” ayuu yiri.

Beryihii hore waxaa xisbiyada laga boxo ugu badnaa xisbiga soo galooti diidka ah ee Sverige Demokraterna, dhanka dowladda hoose, balse haatan waxaa saamiga ugu ballaarani ka baxayaan xisbiga Degaanka ee Miljöpartiet.

12% ka mid ah boosaska ay ka bexeen siyaasiyiinta xisbiga cagaaran ee degaanka u dooda ayaa la buuxiyay, kaddib markii ay is casileen sanadkii tegey, waana mid ka badan sanadkii xigey doorashadii dhacday 2014-kii oo ay boqolleeydu ahayd 7%.

Xitaa haddii 47-da qof ee xilalkooda ka tegey laga jaro 10 siyaasi oo xilal ka qabtay xukuumadda, baarlamanka iyo xilalka sare ee isla xisbiga, waxay boqolleeydu istaagaysaa 9%, taasoo weli xisbigan ka dhigaysa midka ugu badan ee laga rukhsaysto.

Märta Stenevi oo ah Xoghayaha Xisbiga ayaa ka warramaysa sababta ugu wayn ee keenaysa in laga cararo xilalka xisbiga.

”Waxaa jira shaqooyin badan oo xitaa la qabanayo habeennadii iyo maalmaha fasaxa ah ee todobaadka oo hor taalla siyaasiyiinta. Waxaan ka mid ahaan jirey Guddiga Dhismaha Magaalada Malmö waxaana marka aan fariisanno ajende kasta ka mid ahayd ilaa 70 kiis, iyadoo la akhrinayo 2 ilaa 3 kun oo bog, marka waa xaalad aad u adag,” ayay tiri.

Waxaa kale oo jirta sabab kale oo ah in ay shacbiyadda xisbigu hoos aad ugu dhacday, iyadoo gaartey meeshii ugu sarraysay tan iyo 1991-kii, sida uu sheegay madaxii xisbiga ee magaalada Luleå, Jan Nyberg. Halkan ka dhegeyso.

Waa arrin caski gebi ahaanba ku ah dalka Somalia oo laba arrimoodba uga duwan;

1 – Somalia ma jirto shaqo iyo uu siyaasigu xilka uga cararayo oo ku dhowaad wax micne lehba ma qabtaan inta badanna siyaasiyiintu waa uun usoo hargalaan xafiisyada kaddibna galab dheer ayay ka carraabaan.

2 – Ma jiro isla xisaabtan keeni kara in uu qofku ku khasbanaado inuu shaqo qabto sidaa darteed shaqo culusba iskuma howlo xitaa haddii ay jirto.

Caadiyan marka aan xilka xoolo lagu dhacaynin oo uu shaqo miiran noqdo dad badani ma raadinayaan.

Hadalsame Media