”Waxaa la diray ”Dafadii Dagaalka” – Baraha Bulshada oo baalasha looga rifayo John Bolton

0

(Washington, DC) 11 Sebt 2019 – La Taliyihii Amaanka ee MW Maraykanka ee John Bolton ayaa laga eryay Aqalka Cad, waxaana ku kala qaybsamay taageerayaasha Trump oo iskugu jira kuwa dhaan raaca ah ee isaga iska taageera iyo kuwa ajedaha fog leh ee Muxaafidiinta Cusub oo uu Bolton ka tirsanaa, ha yeeshee, waxaa iskaga maadaystay jamaahiirta baraha bulshada.

MW Donald Trump oo aan waxba qarinin ayaa ku dhawaaqay cayrinta Bolton oo uu shalay ku sheegay barta Twitter-ka “inay aad iskugu diideen waxyaabo badan,” kuwaasoo loo qaatay inuu soo jeediyo in Maraykanka oo horay ugu fashilmay dagaallo hore oo weli holcaya uu xoog ku bedelo dowladaha min Syria, Venezuela, North Korea ilaa Iran.

Bolton ayaa madaxa ciidda uga ceshadey inuu is casiley kahor intaan Trump cayrintiisa shaacin.

Dadwaynaha ayaa baraha bulshada la tegey kiiska Bolton oo lagu naanayso ”Dafadii Dagaalka”, waxaana maadda asaas u ahaa jacaylka kal iyo laabta ah ee uu u qabo in meel uun dunida ka tirsan laga shido khilaaf dhiigle ah oo uu Maraykanku ku lug yeesho gaar ahaan mid ka dhan dunida Islaamka iyo shaarubkiisa qadiimiga ah ee u eg kuwii qarnigii 18-aad.

Mid baa xitaa soo sawiray shaarubkiisa oo laga dhigay sidii calan balse hoos loo dhigay sidii calan barood diiqaya. Hoos ka eeg.


Hadalsame Media