Maxkamadda ICJ oo JADWAL cusub kasoo saartay dacwadda Somalia-Kenya

0

(Hague) 11 Sebt 2019 – Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa soo bandhigtay JADWAL cusub oo ku saabsan dhegeysiga dacwadda Somalia-Kenya ee ku dhisan muranka ay Kenya ku sheeganayso dhul-badeedka Somalia.

JADWALKA AYAA NOQONAYSA SIDATAN:

Waxay dacwaddu furmaysaa 4-ta Nofeembar oo ku beegan maalinnimo Isniin ah waxaa la dhegeysan doonaa muddaca Somalia, oo hadli doonta inta u dhaxaysa 10:00 AM illaa 1:00PM iyo mar kale 3:00PM illaa 4:30PM oo ah xilliga galabnimada.

Dalka Kenya ayaa loo qoondeeyay Arbacada ah, iyadoo dooddeeda gudbinaysa saacadaha kala ah; 10:00AM illaa 1:00PM iyo markale  3:00PM illaa 4:30PM oo ah xilliga galabnimada.

WAREEGGA 2-AAD

Waxaa la isu soo laabanayaa 7-da Nofeembar oo ay markale doodda furi doonto Somalia oo hadlaysa saacadaha 3:00PM ilaa 4:00 Galabnimo.

Waxaa maalinta xigta 8-da Nofeembar oo ah Maalinta xigta la dhegeysanayaa dowladda Kenya oo markii 2-aad hadlaysa maalintaas oo Jimce ah, waxaana la siiyay saacadaha 3:00 PM ilaa 4:00PM.

Labada dal ee Somalia-Kenya ayaa loo qabtay inay 24-ka Bisha Oktoobar ugu dambayn kusoo gudbiyaan magacyada dadka dacwadda uga qayb gelaya, kuwaasoo iskugu jira qareenno, saxaafad iyo diblomaasiyiin.

Dowladda Kenya oo muujinaysa inaysan wax sharci ah ku taagnayn ayaa si caga jiid ah u codsatay in dacwadda loo wareejiyo laguna xalliyo madal aan ahayn maxkamad caalami ah, iyadoo markii ay taasi socon wayday misna codsatay in 12 bilood dib loogu dhigo dacwadda, balse Maxkamadda ICJ ayaa 2 bilood siisay.

Dhanka kale, dadkii caadiga ahaa ee horay isugu diiwaan geliyay inay dacwaddan ka qayb galaan ayaa laga doonayaa inay markale is diiwaan geliyaan.

Hadalsame Media