HALIS LAGA HOR TEGEY: Wiil yar oo BAMBO iskuulka la yimid (Dhegeyso)

0

(Kristianstad) 11 Sebt 2019 – Xalay fiidkii waxaa mar qura loo yeerey unug ka ilaalinta bambaanooyinka ama miino saarka oo faras magaalaha Kristianstad u yimid burburinta bam gacmeed uu ilmo yari la yimid dugsi-horaadyada carruurta lagu xannaaneeyo ee loo yaqaanno Förskola.

Wiilka yar ayaa xagaagii bam gacmeedkan ka helay goob lagu shiish barto oo ku taallab xaafadda Rinkaby, taasoo ka yara baxsan Kristianstad, isagoo deeto gurigiisa geeyay oo halkaa mudaba ku hayay, sida uu bilowgii qoray warqaadka Kristianstadsbladet.

Ha yeeshee, shalay ayuu bambadii keenay dugsi-horaadka Dags-ka si uu u tuso saaxiibadiis, deeto waxaa arkay dadkii waawaynaa ee howl wadeennada ka ahaa iskuulka, kuwaasoo Booliiska wacay saacaddu markii ay ahayd 7-dii fiidnimo, sida uu sheegayo Thomas Söderberg oo ah sarkaalkii heeganka lahaa.

”Qof ka mid ah shaqaalaha iskuulka ayaa isaga waydiiyay waxa ay yihiin wuxuuna garaystay inaysan  u ekayn wax saaxi ah. Waxaa deeto la wacay Booliiskii oo roondo goobta usoo diray kuwaasoo sameeyay qiimayntii 1-aad, kaddib waxaan la xiriirney qaybta miina saarka oo nagu raacay qiimayntii, iyaga ayaana arrintii u maareeyay si amaan ah,” ayuu yiri Tomas.

Markii ay saacaddu ahayd 11:30 fiidnimo ayaa waxaa suuragashay in unug ka tirsan Waaxda Miina Saarku ay qarax koontaroolan ku burburiso bambadii oo ay u qaadeen meel ka fog goobaha degaanka ah.

Hadalsame Media