DAAWO: Odawaa ma yahay oday isku wadi kara umadda is eedka badan ee Galmudug (Saluug ka yimid khudbaddiisa)

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2019 – Xildhibaanka Cabdiraxmaan Odawaa ayaa beri dhowayd ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinnimada Galmudug.

Dadka kasoo jeeda degaannada Galmudug ayaa dareensan in maadaama ay aad uga hareen dalka intiisa kale loo baahan yahay qof leh karti, aragti, rabitaan iyo daacadnimo siyaasadeed oo u wada faa’iideeya gobolka iyo guud ahaanba dalka, balse aan loo baahnayn khilaaf hor leh iyo DF oo lala yooyootamo.

Ha yeeshee, sida ku cad warbixin uu diyaariyay weriye Cabdullaahi Cismaan Faarax, wuxuu Odawaa meesha ka jeediyay khudbad aan inta badan ku foogganayn wax micne leh oo uu qaban doono iyo qorsho uu u hayo dhaqaajinta iyo isku wadista dadka eedda badan ee Galmudug, balse wuxuu inta badan ka hadlay arrimo shakhsi ah, mararka qaar hanjabaad iyo hadallo ka hooseeya heerkii la filayay iyo amaanta dowladdii uu isago ka tirsanaa.

Waxaa kale oo ay dadka qaar Odawaa ka urinayaan inuu koox gaar ah ka tirsan yahay, taasoo keenaysa inay bilowgiiba collaystaan qolyaha kooxdiisa diiddan oo iyaguna kooxo siyaasadeedyo kale ah, taasoo aan iyaduna u roonayn faya qabka maamulka oo u baahan qof u wada furan koox kasta.

Halkan hoose ka daawo warbixinta uu diyaariyay Weriye CC Faarax

Hadalsame Media