AFAR tillaabo oo ay tahay in la qaado si uu NATIIJO fiican u keeno xulka Somalia

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2019 – Afar arrimood oo laga bartay kulankii xulkeena uu la cayaaray xulka Zimbabwe.

1 – In Xulka Qaranka somaliya ee waqtigan uu noqday mid natiijada u dagaalami kara ilaa daqiiqada ugu dambeysa cayaarta halkii awal lagu xisaabtami jiray dhibcihiisa.

2 – In gool hayaha xulka qaranka uu yahay gool haye heer caalami ah loona baahan yahay in si khaas ah bilad loo siiyo ( shaqsigii ugu fiicnaa labada kulan).

3 – In ciyaartoyda xulka ay u baahan yihiin dhamaantood in la xareeyo loona sameyo nafaqeen jismi ahaan iyo jirdhis joogto ah dowladuna ay ka dhigto mushaari si ay uga soo dhalaalaan howsha culus, waxaa sidoo kale door qaadan kara Xiriirka oo arrinta ka fadhiya. Shalay waxaa ka muuqday in xoog loo sheeganayay inta badan.

4 – In mar kale garoomada caalamka dib loogu laabto oo laga raadiyo ciyaartoy kale oo tayo leh una diyaar ah inay u cayaaraan xulka qaranka.

Waxaa Diyaariyay: Cabdifitaax Maxamed Cilmi

Hadalsame Media