ADEEG BULSHO? DF Somalia oo farta loogu fiiqay halka ay haatan ka jirto baahida bulsho ee ugu daran!

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2019 – Raysulwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyrre wuxuu shalay qasnadda dowladda ka bixiyay $150,000 oo lagu dhisayo garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo. Horay wuxuu RW Kheyrre Garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo ugu bixiyay $227,000, garoonka Cawaale ee isla Gaalkacyo wuxuu ku deeqay $220,000, midka Dhuusamarreeb wuxuu siiyay $150,000, kan Cadaado wuxuu siiyay $150,000, kan Caabudwaaq wuxuu geliyay $101,000. Wadar ahaan wuxuu RW Kheyre garoommada kubadda cagta ee magaalooyinkaas ku bixiyay $998,000 oo ka baxday qasnadda dowladda ee bangiga dhexe.

Sida uu qabo Mr. Abraham Maslow oo ah khabiir dhanka cilmu-nafsiga ah oo wax ka qoray sida ay baahiyahu noloshu ugu kala muhiimsan yihiin insaanka, qofku markii uu helo cunto, nabad, hoy, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo ayuu ka fikiraa jimicsi, baashaal iyo in uu bulshada soo dhexgalo.

Haddii ay Kheyre ka go’antahay in uu dhalinyartaas wax u qabto, waxay maanta garoon uga baahi badan yihiin in uu magaalooyinkaas uga hirgeliyo mashaariic ay ka shaqeystaan, dalka iyo dadkana ugu shaqeeyaan. Kheyrre wuxuu dhalinyartaas iyo carruurtooda oo aan weli dhalan iyo Soomaali oo dhanba wax badan ugu qaban karaa in xilka hoggaamineed ee uu Soomaaliya u hayo uga faa’iideesto sidii uu dalkaan wax uga hagaajin lahaa siyaasadda, waxbarashada, caafimaadka, loona ciribtiri lahaa dulmiga, musuqa iyo caddaalad-darrada dalkeenna la degtay.

Kummanaan qoys oo isla magaalooyinkaas ku nool oo aan heysan guryo ay ku hoydaan, iskuullo ay carruurtoodu ka wax ku bartaan iyo isbitaallo lagu daweeyo, iyo qoysas badan oo aan heli karin quutul-yoomkooda ayaa Halkaas Milyan ee uu Raysulwasaare Kheyrre bixiyay maanta uga baahi badan in garoon lagu dhiso.

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media