Xiriirka Zimbabwe oo muujiyay sida uu uga CABSANAYO Somalia & tillaabo uu qaaday!

0

(Harare) 09 Sebt 2019 – Xiriirka kubadda cagta Zimbabwe ayaa lagu soo warramayaa iney ka fursan waayeen dib ugu yeerista xulka qaranka ciyaartoy ay horay ganaax ugu rogeen.

Waxaa la aaminsan yahay in madaxda xiriirka ay haatan dareemayaan walaac badan oo ku aadan kulanka lugta labaad ee Somalia.

Joe Antipas ayaa bishaan ku dhawaaqay safkiisii ugu horreeyay tan iyo markii si kumeel gaar ah loogu magacaabay macalinka Zimbabwe.

Wuxuu qarankiisa ka saaray kabtankii xulka Knowledge Musona, ku xigeenkiisa Ovidy Karuru, Danny Phiri, George Chigova & Edmore Sibanda balse dad badan ayaa aaminsan in ka reebistaas ay ku lug lahaayeen xubnaha xiriirka maadaana lagu eedeeyay iney abaabuleeen kacdoonkii ay xiddigaha qaranka ka sameeyeen dalka Masar ka hor bilowga koobkii qaramada Africa 2019.

Waxaa la aaminsan yahay in Ovidy Karuru dib loogu yeeri doono qaranka, lamana oga sida laga yeeli doono magacyada kale.

Waxaa jira tiro ciyaartoy ah oo xayiraad laga saaray qaranka Zimbabwe kadib markii ay ka hor bilowgii AFCON 2019 ku andacoodeen inaan la siinin gunooyinkii ay xaqa ugu lahaayeen xiriirkooda.

Haatan xiriirka kubadda cagta Zimbabwe waxaa soo wajahay walaac, iyagoo doonaya iney xayiraadda ka qaadaan qaar ka mid ah ciyaartoydaas.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media