Somaliland oo soo rogtey AMAR cusub oo lagu XAKAMAYNAYO wararka ku saabsan DF Somalia (War Saxaafadeed)

0

(Hargaysa) 09 Sebt 2019 – Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa soo saartay Amar ku socda Telefiishannada Madaxa-bannaan ee ay leeyihiin wax lagu sheegay ”muwaadiniinta Somaliland” isla markaana Xarumahoodu ku yaallaan Magaalada Hargeysa, sida uu faafiyay hilinka Horn Cable TV.

Amaawiirtan cusub oo Maanta laga soo saaray kulan uu Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye uu ugu yeedhay Madaxda Telefiishannada Madaxa-bannaan oo ka dhacay Xafiiska, ayaa dhigaya in Telefiishannadu ay xilliga War-tebintooda soo hor-mariyaan Wararka ku saabsan Somaliland, kuwa khuseeya Soomaaliyana ay raaciyaan ama ku daraan Wararka dibedda.

Awaamiirtan oo dhaqan-galkooda ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay inay bilaabmaan Maanta ku beegan 09/09/2019-ka, ayaa lagu faahfaahiyey War-saxaafadeed u qornaa sidan hoos kaaga muuqata:

Hadalsame Media