Somalia oo maanta taagan FINAL kale oo CAALAMI ah (Waa halkee?)

0

(Jiddah) 09 Sebt 2019 – Waxaa laga wada dhur sugayaa ciyaarta lugta 2-aad ee uu xulka Somalia berri oo Talaado ah la yeelan doono dhiggiisa Zimbabwe oo uu ka guulaystey lugtii hore, waloow ay wax kasta go’aaminayso lugta 2-aad.

Yeelkeede, kooxda meteleeysa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sucuudiga Carbeed ayaa soo gaartey dhamaadka ama finaalka koob loo dhigay Jaalliyadaha ku nool Sucuudiga kaasoo ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sucuudiga.

Ciyaarta kama dambaysta ah oo ay iskugu soo hareen xulalka Jaaliyadaha Somalia vs Eritrea ayaa la ciyaari doonaa maanta oo Isniin ah, waxaana lagu ciyaarayaa magaalada Jiddah.

Hadalsame Media