DHEGEYSO: Booliiska Stockholm oo ilaa caawa wadaya baaritaanno GURYO GARAACIS ah (Sabab?)

0

(Stockholm) 09 Sebt 2019 – Booliiska Stockholm ayaa maanta halkoodii kasii wada baaritaanno ay samaynayaan kaddib markii xalaytoole Degmada Nacka oo ku taalla afaafka Stockholm laba qofood lagu toogtey iyagoo ilaa caawa sii wadi doona baaritaanno albaab garaacis ah, waloow ay diiddanyihiin – waa Booliiskee – inay ka hadlaan warar ay wargaysyadu qoreen oo sheegaya in ay toogashadani la xiriirto kuwo hore.

Carina Skagerlind oo ka tirsan Booliiska Stockholm ayaa sida ay wax u dheceen uga sheekaysay P4 Stockholm.

Sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay Booliiska oo lagu magacaabo Towe Hägg oo mar dambe la hadlay Wakaalad Wareedka TT, dadkaa loo qabtay in shilkan su’aalaha laga waydiiyo ayaa isla xalaytoole gebi ahaanba lasii daayay.

Sida ay faafiyeen warqaadyada Expressen iyo Aftonbladet, labada toogasho ayay qaybi ka dhacday guryo ay qoysas deggan yihiin, halkaasoo lagu rusheeyay rasaas darandoorri u dhacaysay oo gaartey ilaa 3 guri, halka midka kale lagu weeraray tagsi yaalley meel u dhow suuqa laga dukaamaysto oo la yiraahdo Nacka Forum.

Hadalsame Media