SOOYAAL: Taariikhda XULKA SOMALIA ee KOOBKA ADDUUNKA (Somalia horay ma u badisay isbreebreebka KA?)

0

(Hadalsame) 08 Sebt 2019 – Xulka Soomaaliya ayaa soo maray dhawr marxaladood oo kala duwan, waxeyna taarikhdu xustaa in aysan waligood ka gudbin marxaladda koowaad ee isreeb-reebka, tiiyoo ay jirto iney hadda jirto rajo fiican balse aan la isku halleyn Karin.

Waan sugi doonaa natiijada kasoo baxda kulanka lugta labaad ee Harare lagu balasan yahay 10-ka bishaan, waxeyna Soomaaliya u baahan tahay iney ka badbaado guuldaro ama looga adkaado farqi hal gool ah iyagoo shabaqa taabanaya.

Waxaa jirta taariikh aan qurux badneyn oo Soomaaliya looga diiwaangaliyay isreeb-reebka koobka Adduunka, qormadaan yar ayaana ku faah-faahin doonaa wax walba oo ku saabsan, waana xogo aan isku soo aruuriyay. Wixii ka horreeyay 1960-kii Somalia ma aysan aheyn dal madax banaan, sidaas darteed ma jirin wax aqoonsi ah oo ay kaga qeybgaleyso tartamada kubadda cagta, sidoo kalana kama aysan qeyb galin hardanka loo galay koobabkii Adduunka 1962, 1966, 1970, 1974 iyo 1978.

Markii ugu horreysay Somalia waxey isreeb-reebka koobka Adduunka 1982 ee wadamada Afrika la ciyaartay Niger 16-kii July 1980 kulan barbaro gool la’aan ku dhamaaday, halka kulankii 27-ka July martida loogu noqday garoonka Stadium Mogadishu uu ku dhamaaday 1-1, sidaas darteed aysan Somalia wareega xiga ugu gudbin.

Mar kale ayey Somalia dib ugu laabatay waqtiyo aysan u suuragalin iney kasoo qeybgalaan tartanka loo galo ka qeybgalka koobka Adduunka sanadahii 1986, 1990, 1994 iyo 1998.

Sanadkii 2000 ayey noo aheyd markii labaad iyo markii ugu horreysay kadib burburka dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxeyna Soomaaliya tartan u gashay isreeb-reebka koobka Adduunka 2002 ee wadamada Afrika. Nasiib xumo kulamo dhacay 19-kii April 2000 iyo 23-kii April 2000 oo ay qaranka la ciyaareen dhigooda Cameroon waxaa loogu awood sheegtay min 3-0 taasoo ka dhigan wadarta guud 6-0, xusuusnow labad kulan waxey ka dhaceen gudaha dalka Cameroon.

Sanadkii 2003 ayey Somalia mar kale ka qeybgashay isreeb-reebka koobka Adduunka 2006 ee wadamada Afrika kulamo dhacay 16-kii November iyo 19-kii November 2003 lana ciyaareen Ghana waxaa kasoo baxay natiijo aan qurux badneyn wadar ahaan 7-0 ayaa Soomaaliya looga gudbay, labada ciyaarna gudaha Ghana ayaa lagu ciyaaray.

Soomaaliya ayaa hal kulan oo isreeb-reebka koobka Adduunka 2010 la ciyaartay wadanka aan walaalaha nahay ee Djabouti 16-kii November 2007, balse kulankaas 1-0 waxaa ku badiyay wadanka Djabouti halkaas oo ay Somalia mar kale kusoo hartay. Wajigabax ayey qaranka Soomaaliya kala kulmeen Ethiopia markii ay wajaheen laba kulan oo ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka 2014 ee wadamada Afrika, kulankii ka dhacay Djabouti oo aheyd markii ugu horreysay oo ay Somalia iyadoo dal kale la ciyaareysa minan ahaan u isticmaasho guriga wadanka ay walalaha yahiin (DJabouti) ku dhamaady gool la’aan, balse kulankii la aaday Adis Ababa waxaa lagu suldaaray 5-0, kulamadaan waxey dhaceen 12kii November iyo 16-kii November 2011.

Taariikhda qoran ee mugdiga ah wey sii socotay, Xulka Somalia ayaana guuldaro wadar ahaan 6-0 ah kala kulmay Niger laba kulan oo ay la ciyaareen 9-kii Oktoober iyo 13-kii October 2015, waxeyna dagaal ugu jireen ka qeybgalka koobka Adduunka 2018. 5-tii Sebtember waa habeenkii ay Soomaaliya taariikhda sameysay, waa habeenkii buugaagta xogta lagu aruuriyo ee FIFA lagu qoray, guushii ugu horreysay oo ay Somalia ka gaarto kulamada isreeb-reebka koobka Adduunka, maadaama ay 1-0 kaga badiyeen Zimbabwe lugta koowaad ee marxaladda koowaad.

Soomaaliya 12-kulan oo ay ciyaarta kulamada isreeb-reebka koobka Adduunka waxey guuleysteen 1-jeer, 8-jeer guuldaro ayey qaateen, sidoo kalana 3-jeer ayey bareejo heleen. Xisaabta ku darso in Soomaaliya ay dhalisay 2-gool, halka laga dhaliyay 26-gool Xaqiiqooyinka mar walba ha wanaagsanaadaan ama ha xumaadaan waa wax diiwaangashan, in la ogaadana ay muhiim tahay.

Waxaa Isku Duwey: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media