Imaaraadka oo QARINAYA mashruuc ballaaran oo uu u joojiyay dhaqaalo darro darteed!!

0

(Dubai) 07 Sebt 2019 – Waxaa dhaqaale xumo soo wajahdey Imaaraadka darteed loo hakiyay dhismihii Garoonka Dubai ee Al Maktoum Airport, iyadoo garoonkaa loogu tala galay inuu noqdo midka dunida ugu ballaaran isagoo ay sanadkii mari lahaayeen 250 milyan oo rakaab ah, sida ku qoran Bloomberg.

Bloomberg oo xiganaya dad diidey in la magacaabo xasaasiyadda moowduucan dartii ayaa sheegay in dhismaha la hakiyay ilaa amar dambe, iyadoo dhamaystirka garoonkan oo ay ku baxayso $36 bilyan oo doollar horayba 5 sano loo dhigay, iyadoo uu dhamaan lahaa bisha Oktoobar 2030.

SABABAHA – Sida uu sheegay Bloomberg, dhaqaalaha Dubai ayaa gaarey heer kororkii ugu hooseeyay tan iyo 2010-kii, taasoo wax laga saaray dhibaatooyinka iyo xiisadaha ka dhashay siyaasad-dhuleedka uu Imaaraadku ku lug leeyahay iyo sicirka saliidda dhulka galay.

Dalxiiska ayaa fadhiid noqday tan iyo 2017-kii, halka Emirates Airlines oo Dubai saldhigataa ay dhibaato kala kulantay inay soo jiidato dalal cusub oo ay kusoo kordhiso khadadka duullimaad ee ay leedahay, iyadoo sidoo kale dib u eegis ku sameeysay qorshayaasheeda, waxayna sidaa darteed kansashay dalabka dayuuradaha Airbus SE A380 super-jumbo.

Imaaraadka oo awal u ekaa dal qunyar socod ah ayaa sanadihii yaraa ee dambe lasoo shir tegey siyaasad hujuumi ah oo la collaysiisey inta badan dalalkii gobolka, iyadoo ay dad badani aaminsan yihiin in aanu ka bixi karin marka la eego baxaalliga dalkaasi oo ah mid ku tiirsan ganacsiga iyo dalxiiska.

Arrintan oo uu weli Imaaraadku qarinayo ayaa weji gabax ku ah qabka dalkaasi iyo soo jiidashada maalgashi cusub intaba.

Hadalsame Media