DAAWO: Turkiga oo markii ugu horreeysey taariikhda tijaabiyay gantaal KURUUS ah oo uu isagu sameeyay!

0

(Ankara) 07 Sebt 2019 – Turkiga ayaa tijaabiyay gantaal kuruus ah oo nooca la hago ah oo uu isagu farsameeyay kii ugu horreeyay, kaasoo qaadi kara madaxyo ka dusi kara bartilmaameedyada adag ee dhulka hoostiisa ah, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Sayniska iyo Wershadaha Md Mustafa Varank.

Gantaalkan SOM-B2 oo ay dhistay Hay’adda Daafaca iyo Daraasaadka (SAGE) oo hoos tagta Golaha Daraasaadka Cilmiga iyo Tiknolojiyadda Turkiga (TÜBİTAK), ayaa ah mid leh qarax aad u xooggan isla markaana ay ku xirmayaan madaxyo kala nooc ah.

Varank ayaa soo bandhigay muuqaal uu soo dhigay Twitter-ka oo muujinaya gantaalka oo si lagu guulaystey ugu dhacaya bartilmaameedkii loo asteeyay, kaasoo ahaa dhufays dhuleed aad loo shubay, gaar ahaan kuwa dhulka hoostiisa laga sameeyo (bunker).

Sida uu sheegay Ismail Demir, madaxa Hay’adda Wax soo saarka agabka Gaashaandhigga (SSB), waxaa gebi ahaanba lagu guulaystey ujeedkii gantaalkan loo dhisay sida dhanka shiishka saxan, rakibaadda iwm, iyadoo lagu qalabayn doono Ciidamada Xoogga Turkiga (TSK) oo u adeegsan doona dhufaysyada aasan.

Gantaalkan Kuruuska ihi wuxuu ka kooban yahay dhowr nooc oo la isku yiraahdo SOM sida: SOM-A, SOM-B1, SOM-B2, iyo SOM-J, waxaana gebi ahaanba sameeyay Turkiga, waana markii abid ugu horreeysey ee ay taa ku tillaabsadaan Turkigu.

Hadalsame Media