DEG DEG: Xulka Somalia oo garaacay dhiggiisa Zimbabwe

0

(Jabuuti) 05 Sebt 2019 – Xulka Somalia ayaa Jabuuti ku garaacay dhiggiisa Simbabwe oo ay la ciyaareen lugta 1-aad ee isreebreebka Koobka Adduunka ee 2022 lagu qabanayo dalka Qadar.

Xulka Somalia ayaa Jabuuti guri ahaan u isticmaalaysay waxayna Somalia ku badisay 1-0, iyadoo goolka dhalisay daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta, taasoo rajo gelinaysa lugta 2-aad.

Somalia ayaa lugta 2-aad maalinnimada Axadda ah ku ciyaari doonta dalkaasi Zimbabwe, gaar ahaan garoonka Barbourfields Stadium ee magaalada Bulawayo.

Labada xul koodii soo gudba wuxuu toos uga qayb qaadan doonaa heerka guruubyada isreebreebka Qaramada Afrika ee Koobka Adduunka 2022.

Hadalsame Media